Xildhibaanada Soomaaliya ee Matalaya EALA oo Maanta Lagu Dhaariyey Arusha
Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Arusha loogu dhaariyey xubnaha Soomaaliya u matalaya Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika (EALA), taasi oo ah guul muhiim ah oo dhinaca siyaasadda iyo iskaashiga gobolka ah.
Xafladda dhaarinta ayaa ka dhacday xarunta Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika, waxaana ka qeybgalay mas’uuliyiin sare oo ka socda dalalka xubnaha ka ah Ururka Bulshada Bariga Afrika.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku adkeysatay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka, isdhexgalka, iskaashiga, nabadda, iyo horumarka guud ee gobolka.
Xubnaha maanta la dhaariyey waxay kaalin muuqata ka qaadan doonaan hawlaha Baarlamaanka, iyagoo u adeegaya danaha Soomaaliya iyo ka qeybgalka siyaasadda gobolka.
Xildhibaanadaan ayaa horay waxaa dacwad ugu furay shaqsiyaad Soomaaliyeed oo diidanaa qaabka loo soo xulay balse ugu dambeyntii way ka guuleysteen.
Magacyada Xildhibaanada maanta la dhaariyay.
- Abuukar Cabdi Cusmaan
- Xuseen Xasan Cabdi
- Sahra Cali Xasan
- Ilhaan Cali Gasar
- Faatima Cabdullaahi Maxamuud
- Cabdisalaan Hadliye Cumar
- Cabdiraxmaan Bashiir Shariif
- Faysal Cabdi Roobke
- Fahma Axmed Nuur