Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qorsheynaya inuu safar degdeg ah ku tago magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Socdaalkan ayaa imanaya maalin uun ka dib markii isbeddel xooggan oo dhanka maamulka ah uu ka dhacay magaaladaas, kaas oo meesha ka saaray xukunkii madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ka dib markii uu la kulmay culays weyn oo kaga yimid dhanka dowladda federaalka.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la sheegay inay si dhow u kormeerayso xaaladda cusub ee Baydhabo, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu halkaas kula kulmi doono siyaasiyiinta, Waxgaradka, haweenka iyo dhalinyarada.




From the comments