U bood dhigaalka

23 Sano Kadib Dullaanki Mareykanka iyo dilkii Saadaam Xuseen waa sidee xaaladda Ciraaq ?

Abriil 9, 2026

Maanta oo kale 9-kii bishii Abriil, sanadkii 2003-dii ayay ciidamada Maraykanka gudaha u galeen caasimadda Baghdad, taas oo calaamad u noqotay dhicistii nidaamkii Saddaam Hussein iyo bilowgii marxalad murugo, qalalaase iyo isbeddello siyaasadeed oo waaweyn ku soo kordhiyey Ciraaq.

Haddaba, 23 sano kadib dhacdadaas beddeshay jihada dalka, Ciraaq maanta sidee ayuu u egyahay?, Sannadihii la soo dhaafay, Ciraaq waxay ka soo baxay dagaallo daba-dheer, weerarro argagixiso iyo kala qaybsanaan siyaasadeed oo muddo dheer wiiqday awoodda dowladda dhexe.

Inkasta oo ammaanka guud uu ka wanaagsan yahay sidii sanadihii dagaalka Daacish, haddana dalka weli kama bixin khataraha kooxaha hubeysan iyo rabshadaha goos-gooska ah ee inta badan ka dhaca gobollada waqooyi iyo bariga.

Dowladda Baqdaad waxay sheegaysaa horumar la taaban karo, balse muwaadiniinta qaar waxay dareemayaan in la wali ku jiro marxalad jilicsan oo xasilloonida amniga ah.

Dhinaca siyaasadda, Ciraaq weli waxay la tacaaleysaa khilaafaad u dhexeeya xisbiyada Shiicada, Sunniga iyo Kurdida, ayadoo Kala qaybsanaantan oo qayb ka noqotay nidaamka siyaasadeed ee dalka ay caqabad ku noqotay samaynta dowlad mideysan.

Sidoo kale fara-gelinta quwado shisheeye, gaar ahaan Iiraan, ayaa weli saameyn ku leh go’aannada gudaha, Inkasta oo doorashooyin badan la qabtay tan iyo 2003-dii, haddana Ciraaq weli kama aysan gaarin xasillooni siyaasadeed oo buuxda.

Dhaqaalaha Ciraaq oo ku tiirsan shidaalka ayaa soo kabsanaya, balse si gaabis ah ayuu ku socdaa, ayadoo Kororka dakhliga saliidda uu wax ka tari kara miisaaniyadda dalka, hase ahaatee musuq-maasuq, shaqo-la’aan baahsan iyo burburkii kaabayaasha oo aan weli si buuxda loo hagaajin ayaa u diiday dalka inuu si degdeg ah u dhaqaaqo.

Adeegyadii muhiimka ahaa ee bulshada sida korontada, biyaha iyo caafimaadka ayaa weli ah kuwo aan degganayn, inkasta oo dadaallo dib-u-dhis ah ay socdaan.

Bulshada Ciraaq maanta waa jiil soo maray saddex marxaladood oo murugo leh: dagaalkii 2003, rabshadihii qabiilka ee 2006–2008, iyo dagaalkii Daacish ee 2014–2017.

Si kastaba, dhallinyaradu maanta waxay qabaan rajo cusub oo ku wajahdan dib-u-dhis, isla markaana diidan nidaamyadii musuq-maasuqa iyo fara-gelinta shisheeye.

Mudaharaadyadii 2019 waxay u muuqdeen qaylo-dhaan cusboonaysiisay rabitaanka shacabka ee dowlad caddaalad, adeeg iyo shaqo bixisa.

Baqdaad lafteedu waxay maanta u dhexeysaa dib-u-soo-noqosho iyo xusuus xanuun badan, ayadoo suuqyada qaarkood ay dib u billaabeen dhaq-dhaqaaqii ganacsi, halka waddooyinka iyo goobaha taariikhiga ah qaarkood dib loo dayactiray.

Amnigu caasimadda gudaha ah ayaa ka fiican gobollada kale, balse raadadkii qaraxyada iyo dagaalladii sannadihii hore weli waa muuqdaan, waxaana dad badan wali maskaxdooda ka go’in maalintii ay ciidamada Maraykanku soo galeen magaalada.

Si kastaba ha ahaatee Ciraaq maanta waa dal ku sii socda dhanka xasilloonida balse aan weli ka bixin dhaawacyadii duullaankii 2003-dii oo laga dhexlay sanado dagaal, fara-gelin iyo siyaasado is-khilaafsan ah.