Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta ayaa qadka taleefanka ku yeeshay wada-hadal diiradda lagu saaray xaaladihii ugu dambeeyay ee ka soo kordhay geeska Afrika, gaar ahaan tallaabada maamulka Waqooyi galbeed ee Soomaaliya uu waxa loogu yeeray “ safaarad” uga furanayo magaalada Barakaysan ee Qudus ee Yuhuuddu ay xoogga ku haysato.
Intii uu socday wada-hadalku xoghaya guud ee Ururka Jaamacadda Carabta ayaa muujiyay taageerada Jaamacadda Carabta ee nabadda iyo xasilloonida gobolka, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta madaxbannaanida iyo xasilloonida Soomaaliya, waxaana uu caddeeyay in aan cidna laga ogolaan karin inay ku xadgudubto qaranimada dal xubn ka ah Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo QM.
Dhankiisa, Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay xoghaya wadahadalka xilligan muhiimka ah iyo taageerada ay Ururka Jaamacadda Carabtu u hayso midnimada iyo xasilloonida Soomaaliya.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in cadaadiska iyo bartilmaameedka lagu hayo Soomaaliya ay khatar ku yihiin amniga Soomaaliya, guud ahaan gobolka, wadamada gobolka ee Badda Cas kulaala iyo Geeska Afrika oo dhan.
Si kastaba kulankan ayaa ku soo aaday xilli xasaasi oo maamulka gumeystaha ah ee Israa*l uu ka shaqeynayo in xaafiis uu ka siiyo magaalada Qudus xiriiriyaha maamulka Waqooyigalbeed uu dirsaday Talaabiib.