Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood, oo ah caasimadda maamulka Waqooyi Bari, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa la sheegay in uu la xiriiro ka qaybgalka xuska sannad-guurada maamulka Waqooyi Bari, iyo sidoo kale kulamo kala duwan oo uu la yeelan doono qaybaha bulshada, wasaaradaha maamulka, iyo mas’uuliyiinta deegaanka.
Shirarka la qorsheeyay ayaa diiradda lagu saari doonaa mashaariicda horumarineed, xoojinta adeegyada bulshada, amniga, iyo dardargelinta wada-shaqeynta dowladda Federaalka iyo maamulka Waqooyi Bari, iyadoo sidoo kale laga wada hadli doono baahiyaha horumarineed ee deegaanadaasi.
Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Xaaji, oo ka hadlay safarka Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in ujeeddada booqashadu ay tahay ka qaybgalka xuska sannad-guurada maamulka Waqooyi Bari, isla markaana ay jiri doonaan kulamo miro-dhal ah oo lagula yeelanayo bulshada iyo masuuliyiinta deegaanka, si loo dardargeliyo mashaariicda horumarineed.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu sii joogo magaalada Laascaanood, halkaas oo uu ka qaybgalayo xuska sannad-guurada maamulka Waqooyi Bari, isla markaana uu dhagax-dhigi doono qaar ka mid ah mashaariic horumarineed oo laga fulinayo deegaanka