Gaalkacyo: Dagaal u dhexeeya laba maleeshiyo beeleed ayaa ka dhacay xaafadda Buula Bacley ee magaalada Gaalkacyo, iyadoo xaalad cabsi leh ay ka jirto deegaankaasi.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka dhashay xiisad u dhexeysa labada dhinac oo hore dhowr jeer dirir ugu dhex martay deegaanka.
Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in dagaalku sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo ugu yaraan hal qof la xaqiijiyay inuu ku dhintay.
Dad ku dhaawacmay iska horimaadka ayaa la geeyay xarumaha caafimaadka ee magaalada Gaalkacyo si loogu dabiibo dhaawacyada soo gaaray.
Dadka ku nool xaafadda Buula Bacley ayaa wajahaya cabsi xooggan, kaddib markii muddo ku dhow hal saac saacadood ay halkaasi ka socotay rasaas.
Maleeshiyaadka dagaallamaya ayaa horay dirirro ugu dhex mari jireen deegaannada bariga gobolka Mudug, iyadoo xiisaddii u dhexeysay labada dhinac ay hadda u muuqato inay magaalada Gaalkacyo soo gaartay.
Maamullada ka jira magaalada Gaalkacyo ayaa wada dadaallo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda, laguna kala dhexgalo labada dhinac si loo joojiyo dagaalka loogana hortago in uu sii fido.
Xaaladda magaalada ayaa weli ah mid kacsan, waxaana dadka deegaanka ay ugu baaqayaan dhinacyada dagaallamaya in ay si degdeg ah u joojiyaan colaadda, isla markaana la ilaaliyo badqabka shacabka.