U bood dhigaalka

Duulimaadyadii Soomaaliya iyo Kenya oo Maalintii Labaad Hakad ku Jira

Ogoosto 31, 2026

Maalintii labaad waxaa hakad ku jira duulimaadyadii isku xiri jiray Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo aan weli wax diyaarad ah u kala gooshin labada dal.

Qiyaastii 4 ilaa 6 duulimaad ayaa maalin kasta u kala safri jiray Soomaaliya iyo Kenya.

Hakadka duulimaadyadan ayaa sababay in labadii maalmood ee la soo dhaafay ay safarradii uga baaqdaan rakaab lagu qiyaasay ku dhowaad 500 qof oo qorsheystay inay u kala safraan labada dal.

Ilaa hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya wax war rasmi ah kama soo saarin sababta keentay baaqashada duulimaadyada.

Inkastoo marar hore ay hakadyo noocan oo kale ah u dhaceen duulimaadyada Soomaaliya iyo Kenya, haddana sida la sheegay, marna hakadku ma qaadan muddo ka badan 24 saacadood, halka hakadka hadda socda uu galay maalintii labaad.

Waxaa weli la sugayaa war rasmi ah oo ku saabsan sababta keentay hakadka iyo goorta ay dib u bilaaban doonaan duulimaadyada isku xira Soomaaliya iyo Kenya.