Dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa magaalada Jeddah ku kala saxiixday heshiiska qoondada Xajka ee sannadka 1448 Hijriyada, kuna beegan 2027-ka, kaas oo Soomaaliya loogu qoondeeyay 11,500 oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo fursad u heli doona gudashada waajibaadka Xajka.
Heshiiska waxaa kala saxiixday Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, iyo Wasiirka Xajka iyo Cumrada ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Dr. Towfiiq bin Fowzaan Al-Rabiici.
Heshiiskan oo sannad kasta ay labada dowladood wada galaan ayaa qeexaya tirada xujeyda Soomaaliyeed ee loo oggolaanayo inay sannadka soo socda tagaan dhulka barakeysan ee Makka iyo Madiina, si ay u gutaan mid ka mid ah shanta tiir ee Islaamka.
Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maalmihii u dambeeyay booqasho shaqo ku joogay dalka Sacuudiga, halkaas oo ay uga qaybgaleen Madasha Xajka iyo Bandhigga Adeegyada Xajka, oo ay isugu yimaadeen masuuliyiin iyo wakiillo ka socda dalalka Muslimiinta ee caalamka.
Madashan ayaa diiradda lagu saarayaa sidii loo horumarin lahaa adeegyada la siiyo xujeyda, loo xoojin lahaa wada-shaqeynta dalalka ka qaybgalaya iyo sidii loo sii wanaajin lahaa qabanqaabada Xajka ee sannadka 2027-ka.
Sidoo kale, munaasabadda lagu saxiixayay heshiiska waxaa goobjoog ka ahaa Qunsulka Guud ee Soomaaliya u fadhiya magaalada Jeddah, Cabdiwali, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Dr. Cabdinaafic, iyo Guddoomiyaha Xafiiska Adeegyada Xajka Soomaaliya.
Qoondadan cusub ayaa muhiimad gaar ah u leh kumannaan Soomaali ah oo sannad kasta u hamuun qaba inay gutaan waajibaadka Xajka, iyadoo heshiiska uu dowladda Soomaaliya u furayo wejiga diyaar-garowga iyo qorsheynta adeegyada la xiriira safarka xujeyda.
From the comments