Goobjoog

Burcad-badeednimada Soomaaliya oo Dib usoo Laba Kacleyneysa, iyo Kalluumeysatada oo Halis Wajaya

Falalka burcad-badeednimada ee xeebaha Soomaaliya ayaa mar kale soo kordhaya, iyadoo weerarro dhowaan dhacay ay sare u qaadeen walaaca laga qabo amniga maraakiibta ganacsiga ee isticmaala marinnada muhiimka ah ee Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.

Burcad-badeednimada Soomaaliya oo Dib usoo Laba Kacleyneysa, iyo Kalluumeysatada oo Halis Wajaya

Falalka burcad-badeednimada ee xeebaha Soomaaliya ayaa mar kale soo kordhaya, iyadoo weerarro dhowaan dhacay ay sare u qaadeen walaaca laga qabo amniga maraakiibta ganacsiga ee isticmaala marinnada muhiimka ah ee Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.

Warbixin ay 10-kii Nofeembar 2026 baahisay warbaahinta Africa Defense Forum ayaa sheegtay in weerarrada burcad-badeedda Soomaalidu ay soo badanayeen tan iyo bishii Abriil ee sanadkan, inkasta oo tirada guud ee weerarradu ay weli ka hooseyso heerarkii hore ee la diiwaangeliyay.

Warbixintu waxay si gaar ah u xustay afduubkii markabka shidaalka qaada ee Honour 25, kaas oo watay calanka dalka Palau, laguna qabsaday 21-kii Abriil meel u dhow degmada Eyl ee gobolka Nugaal, Puntland, oo muddooyinkii dambe loo aqoonsaday meelaha ay ku xooggan yihiin kooxaha burcad-badeedda.

Dhacdadan ayaa dhalisay khasaaro nafeed markii hawlgal lagu doonayay in lagu soo furto markabka bishii Sebtembar ay ku dhinteen shan ka mid ah shaqaalihii markabka, halka shan kalena ay dhaawacmeen.

Falanqeeyayaasha amniga badda ayaa sheegay in dilalkan ay yihiin kuwii ugu horreeyay ee burcad-badeedda Soomaalidu geystaan muddo ka badan toban sano.

Agaasimaha Xafiiska Caalamiga ah ee Maraakiibta, Michael Howlett, ayaa sheegay in inkasta oo weerarrada burcad-badeednimadu ay gaareen heerarkii ugu hooseeyay muddo ka badan soddon sano, haddana soo laabashada weerarrada Soomaaliya ay muujinayso in khatartu weli jirto.

Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in maraakiibta ganacsigu u hoggaansamaan habraacyada badbaadada iyo ilaalinta maraakiibta si looga hortago afduubka iyo weerarrada.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in xaaladda amni ee gobolka ay saameyn ku yeesheen weerarrada Xuutiyiinta Yemen ee maraakiibta, kuwaas oo sababay in shirkado badan oo maraakiib ah ay beddelaan waddooyinkii ay mari jireen, iyagoo adeegsanaya marinnada ku dhow Geeska Afrika.

Isbeddelkaas iyo mashquulka ciidamada badda ee caalamiga ah ayaa la sheegay inay kordhiyeen fursadaha ay kooxaha burcad-badeeddu uga faa’iideysan karaan xeebaha Soomaaliya.

Dhanka kale, kalluumeysiga sharci-darrada ah ee ay sameeyaan maraakiibta waaweyn ee shisheeye ayaa lagu tilmaamay arrin sii adkeynaysa xaaladda.

Degmada Bandar Beyla ee xeebaha Puntland ayaa noqotay meel si gaar ah looga dareemayo saameynta kalluumeysiga sharci-darrada ah iyo dib usoo laba-kacleeynta burcad-badeednimada.

Kalluumeysatada deegaanka ayaa sheegay in maraakiibta waaweyn ee shisheeye ay si xad-dhaaf ah uga kalluumaystaan biyaha Soomaaliya, taas oo hoos u dhigtay kalluunkii ay heli jireen dadka deegaanka, isla markaana saameyn ku yeelatay nolol-maalmeedka qoysas badan.

Cabdifataax Maxamed, oo muddo labaatan sano ah ka kalluumeysanayay xeebaha Soomaaliya, ayaa sheegay in maraakiibta warshadaha kalluumeysiga ee shisheeye aysan awood ahaan la tartami karin kalluumeysatada yaryar ee Soomaaliyeed.

Sidoo kale, maamulka deegaanka ayaa dabayaaqadii bishii Agoosto xaddiday kalluumeysiga, kaddib markii laga cabsi qabay in kooxaha burcad-badeeddu ay kalluumeysato iska dhigaan si ay weerarro ugu qaadaan maraakiibta.

Xayiraaddaasi waxay cabasho ka dhex dhalisay dadka deegaanka, kuwaas oo sheegay in qoysaskoodu ku tiirsan yihiin kalluunka ay badda kasoo saaraan, isla markaana ay wajahayaan cunto yari iyo dhaqaale xumo.

Warbixintu waxay sidoo kale tilmaantay in xiriirka sii kordhaya ee u dhexeeya Xuutiyiinta Yemen iyo kooxda Al-Shabaab uu walaac cusub ku abuuray amniga badda, iyadoo la sheegay in kooxaha burcad-badeedda qaarkood ay heleen hub iyo tiknoolajiyad ka casrisan kuwii ay horay u adeegsan jireen.

Dhanka dadaallada lagu xakameynayo burcad-badeednimada, dalalka saxiixay Heshiiska Jabuuti ee la dagaallanka dambiyada badda ayaa soo jeediyay in la sameeyo ciidan goboleed oo si gaar ah ula tacaala burcad-badeednimada iyo dambiyada kale ee ka dhaca Gacanka Cadmeed iyo galbeedka Badweynta Hindiya.

Waxaa sidoo kale socda hawlgallada ciidamada badda ee Midowga Yurub ee Soomaaliya, kuwaas oo loo yaqaan Operation Atalanta, iyadoo ay iska kaashadaan ciidamada badda ee dalal kale, oo ay ku jiraan Hindiya iyo Japan.

Dib usoo xoogeysiga burcad-badeednimada Soomaaliya ayaa mar kale indhaha caalamka kusoo jeedisay amniga xeebaha dalka, iyadoo ay isbiirsadeen kalluumeysiga sharci-darrada ah, dhibaatooyinka dhaqaale ee kalluumeysatada maxalliga ah iyo xaaladaha amni ee gobolka.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments