Ugu yaraan siddeed qof ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacay gobolka Mandheera ee waqooyi-bari Kenya, kaddib markii koox hubeysan ay rasaas ku furtay gaari ay la socdeen shaqaale dhisayay waddo iyo ciidamo amni oo ilaalinayay.
Weerarka oo dhacay saacado ka hor ayaa lagu eedeeyay kooxda Al-Shabaab, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin cidda fulisay.
Dadka dhintay ayaa kala ahaa shan shaqaale oo ku howlanaa dhismaha waddo, laba askari oo ka tirsanaa ciidamada kaydka booliska Kenya iyo darawalkii gaariga.
Wararka ayaa sheegaya in toddoba qof ay goobta ku geeriyoodeen, halka darawalka oo dhaawac halis ah soo gaaray uu markii dambe isbitaalka ugu dhintay dhaawicii soo gaaray.
Weerarka ayaa ka dhacay waddada isku xirta deegaannada Arabia iyo Lafey ee gobolka Mandheera, xilli shaqaaluhu ay ku sii jeedeen goobta uu ka socday mashruuca dhismaha waddada.
Mas’uuliyiinta maamulka gobolka ayaa xaqiijiyay in baaritaanno la bilaabay, si loo ogaado kooxdii ka dambeysay weerarka, waxaana John Odhiambo Otieno oo ka tirsan maamulka gobolka uu sheegay in xogaha hordhaca ah ay muujinayaan in kooxihii weerarka geystay ay suuragal tahay inay kasoo gudbeen xuduudda Soomaaliya.
Ciidamada ammaanka Kenya ayaa sidoo kale bilaabay howlgal lagu baadi-goobayo kooxihii weerarka fuliyay, iyadoo la xoojinayo ilaalinta waddooyinka iyo goobaha ay ka socdaan mashaariicda horumarineed.
Dhacdadan ayaa mar kale soo cusbooneysiisay walaaca laga qabo amniga deegaannada ku teedsan xuduudda Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas oo muddo dheer wajahayay weerarro ay fulinayaan kooxaha hubeysan.
From the comments