Goobjoog

Dowladda iyo Mucaaradka Oo La Sheegay Inay Afar Qodob Isku Afgarteen

Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa la sheegay inay kulan ka dhacay Muqdisho ku gaareen is-afgarad hordhac ah oo ku saabsan doorashooyinka, amniga dalka iyo sii wadidda wada-hadallada siyaasadeed

Dowladda iyo Mucaaradka Oo La Sheegay Inay Afar Qodob Isku Afgarteen

Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa la sheegay inay kulan ka dhacay Muqdisho ku gaareen is-afgarad hordhac ah oo ku saabsan doorashooyinka, amniga dalka iyo sii wadidda wada-hadallada siyaasadeed.

Qodobbada la sheegay in la isku afgartay waxaa ka mid ah in dalka laga qabto doorasho heshiis lagu yahay, inaan hay’adaha ammaanka loo adeegsan loollanka siyaasadeed, in dhinacyadu iska kaashadaan dagaalka Al-Shabaab iyo Daacish, iyo in la xoojiyo kalsoonida iyo wada-hadalka dowladda iyo mucaaradka.

Dowladda waxaa kulanka ku metelay Agaasimaha NISA Mahad Maxamed Salaad, Taliyaha Booliska Asad Cabdullaahi Cismaan, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Ibraahim Maxamed iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur Shuute.

Dhinaca mucaaradka waxaa ka qaybgalay madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, ra’iisul wasaareyaashii hore Xasan Cali Khayre iyo Maxamed Xuseen Rooble, iyo siyaasiyiinta Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Xildhibaan Cabdullaahi Carab iyo Maxamed Aadan Koofi.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya maalmo ka hor wadatashiga siyaasadeed ee Muqdisho loo qorsheeyey 14-ka ilaa 18-ka Nofeembar, kaas oo la filayo in lagu falanqeeyo khilaafka ka taagan hannaanka doorashada iyo arrimaha dastuurka.

Ilaa hadda ma jiro war-murtiyeed ay labada dhinac wada saxiixeen ama bayaan rasmi ah oo xaqiijinaya qodobbadan. Sidoo kale, lama shaacin jadwal fulineed ama faahfaahin qeexaysa nooca doorashada lagu heshiin karo. Sidaas darteed, xogtan weli waa war la soo tebiyey oo sugaya xaqiijin rasmi ah.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments