U bood dhigaalka

Weriye Xasan Kaafi Qoyste oo ku geeriyooday Muqdisho

Sebteembar 19, 2026

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho la xaqiijiyay geerida weriye Xasan Kaafi, oo muddo dheer ku soo jiray mihnadda saxaafadda Soomaaliyeed, kana mid ahaa wariyeyaasha sida weyn looga yaqaanay bulshada.

Xasan Kaafi ayaa sannado badan ka shaqeynayay warbaahinta Soomaaliya, isagoo soo qabtay shaqooyin kala duwan oo la xiriira saxaafadda.

Waxa uu ka mid ahaa suxufiyiinta muddo dheer ku dhex jiray shaqada warbaahinta, waxaana lagu xusuusan doonaa doorkii uu ku lahaa tebinta iyo soo gudbinta wararka iyo barnaamijyada bulshada.

Geerida Xasan Kaafi waxaa si weyn uga tacsiyeeyay bahda warbaahinta Soomaaliyeed, iyadoo saaxiibbadiis, wariyeyaal iyo shaqsiyaad kale oo bulshada ka tirsan ay ka hadleen.

Xasan Kaafi wuxuu ahaa mid ka mid ah wariyeyaasha muddo dheer ka shaqeynayay, waxaana si gaar ah loogu xasuustaa sheekada caanka ah ee adeegto oo uu akhrin jirey.

Xasan kaafi wuxuu muddooyinkii ugu dambeeyay ka tirsanaa laanta af-soomaaliga ee VOA oo dhowaan la joojiyay qaar kamid ah barnaamijyadeeda, geeridiisana faahfaahin dheeraad ah lagama bixin.