U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Morooko oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal

Sebteembar 23, 2026

Dowladda Soomaaliya iyo Boqortooyada Morocco ayaa magaalada New York ku yeeshay kulan heer wasiir ah, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cali, ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Iskaashiga Afrika iyo Qurbajoogta Morocco, Nasser Bourita, iyadoo kulanku ka dhacay inta lagu guda jiray Kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Labada wasiir ayaa kulankooda kaga wada hadlay xaaladda xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Morocco, iyagoo isla eegay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya labada dowladood.

Sidoo kale, waxaa kulanka lagu soo qaaday muhiimadda ay leedahay isku-duwidda mowqifyada labada dal ee arrimaha gobolka iyo kuwa dhinacyada badan leh, gaar ahaan goobaha ay Soomaaliya iyo Morocco ku wada leeyihiin dano iyo iskaashi.

Kulanka ayaa qeyb ka ah kulamada diblomaasiyadeed ee ay Soomaaliya ka waddo magaalada New York inta uu socdo shirweynaha Qaramada Midoobay, iyadoo mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ay kulamo kala duwan la yeelanayaan dhiggooda caalamka, si loo xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga Soomaaliya la leedahay dalalka kale.

Kulanka Soomaaliya iyo Morocco wuxuu sidoo kale muujinayaa dadaallada labada dowladood ee lagu horumarinayo xiriirkooda, iyadoo la xoojinayo wada-shaqeynta iyo isku-duwidda arrimaha muhiimka u ah labada dal iyo guud ahaan qaaradda Afrika.