Warar kala duwan ayaa kasoo baxay dagaalkii saaka ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ay siyaabo kala duwan uga hadleen cidda ka dambeysay weerarka iyo xaaladda dagaalka.
Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaalka ay soo qaadeen ciidamadii maamulka Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.
Wasaaradda ayaa sheegtay in ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay si xooggan uga hortageen weerarka, isla markaana ay dib u riixeen kooxihii weerarka soo qaaday, ayadoo sheegtay in dagaalka lagu dilay xubno ka tirsan kooxihii weerarka soo qaaday, iyadoo soo bandhigtay muuqaallo iyo sawirro ay ku tilmaantay inay yihiin qaar ka mid ah dadkii lagu dilay iska horimaadka.
Dhanka kale, Wasaaradda Warfaafinta ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa iyaduna ka hadashay dagaalka, oo sheegtay in ciidamadu ay iska caabiyeen weerar ay ku tilmaantay mid ay soo qaadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo maleeshiyaad lala xiriirinayo ciidamadii hore ee Laftagareen.
Dagaalka ayaa ahaa mid culus, waxaana magaalada laga maqlayay qaraxyo iyo rasaas xooggan, iyadoo la adeegsanayay hub noocyo kala duwan ah. Wararka qaar ayaa sidoo kale sheegay in diyaarado aan duuliye lahayn lagu adeegsaday iska horimaadka, hase yeeshee faahfaahinta ku saabsan cidda adeegsatay iyo khasaaraha ay geysteen weli si madax-bannaan looma xaqiijin.