U bood dhigaalka

Soomaaliya oo xubin sare ku yeelatay Golaha Sare ee ururka caalamiga ah ee Tayada Daryeelka Caafimaadka

Sebteembar 29, 2026

Soomaaliya ayaa guul muhiim ah ka gaartay shirweynaha caalamiga ah ee tayada daryeelka caafimaadka, kaddib markii masuul Soomaaliyeed loo doortay xubin buuxda oo ka tirsan Golaha Sare ee La-talinta ee Ururka Caalamiga ah ee Tayada Daryeelka Caafimaadka, ISQua.

Maareeyaha Hay’adda Qaran ee Caymiska Caafimaadka Bulshada Soomaaliyeed, Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Axmed Jalaaludiin, ayaa ka qaybgalay Meertada 42-aad ee Shirweynaha Caalamiga ah ee Tayada Daryeelka Caafimaadka ee ISQua, kaas oo lagu qabtay magaalada Dublin ee dalka Ireland.

Intii uu socday shirweynaha, Dr. Jalaaludiin ayaa soo bandhigay laba dhigaal cilmiyeed oo diiradda lagu saaray tayada adeeg-bixinta caafimaadka, isagoo sidoo kale ka qaybqaatay doodaha iyo falanqaynta ay yeesheen khubarada caalamiga ah ee caafimaadka.

Doodaha shirweynaha ayaa xoogga lagu saaray arrimo muhiim u ah horumarinta nidaamyada caafimaadka, gaar ahaan tayada daryeelka caafimaadka, badqabka bukaanka iyo doorka hoggaaminta ee lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka.

Guusha ugu weyn ee Soomaaliya ka soo hoyatay shirweynaha ayaa timid kaddib markii Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Axmed Jalaaludiin loo doortay xubin buuxda oo ka tirsan Golaha Sare ee La-talinta ee ISQua.

Dr. Jalaaludiin ayaa golahaasi ku matali doona gobolka Bariga Dhexe iyo Afrika muddo shan sano ah, taas oo Soomaaliya siinaysa fursad ay si toos ah uga qaybqaadato doodaha, talooyinka iyo qorshayaasha caalamiga ah ee la xiriira tayada iyo badqabka daryeelka caafimaadka.

Doorashadan ayaa sidoo kale Soomaaliya u abuureysa fursad ay ku soo bandhigto waayo-aragnimadeeda, caqabadaha ka jira nidaamka caafimaadka iyo dadaallada socda ee lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka iyo caymiska caafimaadka bulshada.

Ka qaybgalka shirweynaha ISQua iyo doorashada Dr. Jalaaludiin ayaa sidaas darteed noqonaya tallaabo muhiim ah oo Soomaaliya ku xoojinayso matalaaddeeda fagaarayaasha caalamiga ah ee caafimaadka, iyadoo sidoo kale sare u qaadaysa doorka dalka ee doodaha ku saabsan tayada adeegyada caafimaadka iyo badqabka bukaannada.

ISQua waa urur caalami ah oo diiradda saara horumarinta tayada iyo badqabka daryeelka caafimaadka, iyadoo isu keena khubaro iyo hay’ado caafimaad oo ka kala socda dalal badan oo caalamka ah.