Al-Calamayn – 3 Oktoobar 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Cabdulfataax Al-Sisi, intii uu socday shir madaxeedka Madasha Ganacsiga Afrika ee ka socda magaalada cusub ee Al-Calamayn.
Labada Madaxweyne ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Masar, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarinta iskaashiga labada dal.
Kulanka ayaa qeyb ka ahaa kulamo doceedyo ay madaxda ka qeybgalaysa Madasha Ganacsiga Afrika ku yeelanayaan magaalada Al-Calamayn, iyadoo Soomaaliya iyo Masar ay leeyihiin xiriir laba geesood ah oo soo jireen ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa magaalada Al-Calamayn uga qeybgalaya Madasha Ganacsiga Afrika, oo diiradda lagu saarayo fursadaha ganacsi, maalgashi iyo horumarinta iskaashiga dhaqaale ee qaaradda Afrika.