U bood dhigaalka

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฑ๐š๐ซ๐ข๐ ๐ ๐š ๐ค๐š ๐ฃ๐š๐ซ๐š๐ฒ ๐๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐š ๐‚๐š๐ซ๐ฐ๐š๐๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ง๐š๐š๐๐ข๐ซ

Oktoobar 4, 2026

Muqdisho, Axad, 04 Octoobar 2026: โ€” Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta xarig-jaray Bandhigga Carwada Ganacsiga Banaadir, oo lagu qabtay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Raโ€™iisul Wasaaraha oo kormeer ku sameeyay qeybaha ay ka kooban tahay Carwada ayaa bogaadiyay gabdhaha Soomaaliyeed ee doorka muuqda ka qaatay Horumarinta Ganacsiga, ka shaqaynta arrimaha bulshada iyo hal-abuurkooda muuqda ee ay ku dhex leeyihiin dalka.

โ€œWaxaan idiinku hambalyeynayaa dadaalka ay la yimaadeen Hablaha Soomaaliyeed iyo hal-abuurkooda iyo sida ay ugu dhiirradeen in ay qabtaan Bandhigga Carwada Ganacsiga Gobolka Banaadir, waxaan ballan-qaadaya in dowladda Soomaaliyeed ay garab u tahay gabdhaha la yimid hal-abuurkanโ€. Ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare Xamsa

Mudane Xamsa, ayaa mid mid u dul-istaagay qeybaha ay ka koobantahay Carwada ayaa dhiirrigaliyay dhallinyarada qeybta weyn ka qaatay qabsoomidda bandhiggan waxa uunna tilmaamay in ay Xukuumadda DanQaran ay mudnaan gaar ah u leedahay garab istaagga ganacsatada yaryar ee soo kobcaya.