Madaxweynaha Golaha Madaxbannaanida Ku-meelgaarka ah ee Suudaan, General Cabdifataax Al-Burhan, ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, magaalada New Alamein ee dalka Masar.
Kulanka ayaa ka dhacay xilli labada madaxweyne ay ka qeybgalayeen shir wadatashi oo ay isugu yimaadeen madaxda Masar, Suudaan, Soomaaliya iyo Eritrea, kaas oo looga hadlay xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas.
Madaxda afarta dal ayaa kulanka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalalka gobolka, iyadoo sidoo kale lagu baaqay in khilaafaadka lagu xalliyo waddooyin siyaasadeed iyo nabadeed.




From the comments