Madaxweynaha Golaha Madaxbannaanida Ku-meelgaarka ah ee Suudaan, General Cabdifataax Al-Burhan, ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, magaalada New Alamein ee dalka Masar.
Kulanka ayaa ka dhacay xilli labada madaxweyne ay ka qeybgalayeen shir wadatashi oo ay isugu yimaadeen madaxda Masar, Suudaan, Soomaaliya iyo Eritrea, kaas oo looga hadlay xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas.
Madaxda afarta dal ayaa kulanka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalalka gobolka, iyadoo sidoo kale lagu baaqay in khilaafaadka lagu xalliyo waddooyin siyaasadeed iyo nabadeed.
Arrimaha Suudaan ayaa si gaar ah uga mid ahaa qodobadii laga hadlay, iyadoo madaxdu taageereen midnimada iyo hay’adaha qaranka Suudaan, isla markaana ku baaqeen in dib loo bilaabo hannaan siyaasadeed ay hoggaaminayaan dhinacyada Suudaan.
Kulanka Al-Alamein ayaa sidoo kale lagu isla meel dhigay in la xoojiyo wada-tashiga iyo iskaashiga u dhexeeya afarta dal, iyadoo la sameynayo hannaan dabagal ku sameeya natiijooyinka shirarka, kuwaas oo la qorsheeyay in si joogto ah loo qabto.
Shirkan ayaa kusoo beegmaya xilli gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas ay wajahayaan caqabado siyaasadeed iyo amni oo isbiirsaday, taas oo sii kordhisay muhiimadda wada-shaqeynta iyo isku-duwidda dalalka gobolka.