Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 161-aad ee Guutada 16-aad, ayaa xalay ilaa saacadihii hore ee saaka howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Jowhar-yareey ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalkan ayaa lagu sheegay in uu ahaa mid diiradda lagu saarayay xakameynta isku socodka iyo marinada ay kooxda Al-Shabaab u adeegsanaysay dhaqdhaqaaqyadeeda, gaar ahaan goobaha ay ku xirnaayeen doomo muhiim u ahaa isu-socodka dhinacyada deegaanka.
Intii uu howlgalka socday, ciidamada Danab ayaa qaaday tallaabooyin lagu curyaaminayo marinada iyo dhaqdhaqaaqyada kooxda, iyadoo sidoo kale la xoojinayay amniga iyo la socodka goobaha muhiimka ah ee deegaanka Jowhar-yareey.




From the comments