Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 164-aad ee Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanno ku teedsan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.
Howlgalka oo lagu beegsanayay goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad hubeysan ayaa lagu burburiyey jidgooyooyin iyo isbaarooyin ay kooxdu u adeegsan jirtay inay ku carqaladeyso isu-socodka shacabka iyo gaadiidka isaga kala goosha deegaannadaasi.
Ciidanka Danab ayaa intii uu howlgalka socday ka saaray isbaarooyinkaas, kuwaas oo sida lagu sheegay warbixinta caqabad ku ahaa dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka, gaar ahaan kuwa isaga kala goosha labada gobol.




From the comments