Muqdisho — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qaabilay safiirrada dalalka Carabta ee deggan Soomaaliya, kuwaas oo uu kala hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga labada dhinac iyo horumarinta xiriirka Soomaaliya iyo dalalka Carabta.
Kulanka oo ka dhacay Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka Carabta, iyo sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan ee danaha wadajirka ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulanka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo ballaarinta fursadaha iskaashi ee Soomaaliya iyo dalalka Carabta, gaar ahaan dhinacyada ay labada dhinac ka leeyihiin danaha wadajirka ah.
Sidoo kale, waxaa kulanka lagu muujiyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta nabadda iyo xasilloonida gobolka, iyadoo la adkeeyay sida ay lagama maarmaanka u tahay iskaashi wadajir ah oo lagu taageerayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirka ay la leedahay dalalka Carabta iyo horumarinta iskaashiga diblomaasiyadeed ee heer gobol iyo heer caalami.