Hay’adda Booliska Caalamiga ah ee INTERPOL ayaa magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland ka diiwaangelisay 34 qof oo looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin dambiyo la xiriira argagixisada, intii uu socday howlgal lagu xoojinayo baaritaannada dembiyada iyo ururinta caddeymaha faraha.
Howlgalkan ayaa waxaa iska kaashaday INTERPOL, Ciidanka Booliska Badda Puntland (PMPF) iyo hay’adaha amniga Soomaaliya, iyadoo diiradda la saaray horumarinta adeegsiga xogta aqoonsiga qofka ee laga helo faraha iyo xoojinta wadaagga xogaha sirdoonka.
Intii uu howlgalka socday, khabiir ka tirsan INTERPOL oo ku takhasusay baaritaanka faraha ayaa saraakiisha Soomaaliyeed siiyey tababar ku saabsan adeegsiga qalab casri ah oo lagu ururiyo, lagu aqoonsado, laguna farsameeyo xogta faraha dadka looga shakiyo dambiyada.
Tababarka kaddib, saraakiisha ayaa booqday laba xarumood oo lagu hayo maxaabiista, halkaas oo ay ku sameeyeen layliyo la xiriira ururinta xogta faraha iyo ballaarinta diiwaannada baaritaannada dembiyada.
INTERPOL ayaa sheegtay in tallaabooyinkan ay gacan ka geysanayaan isku xirka xogaha amniga ee dalalka kala duwan, si hay’adaha sharciga u fuliya ay si wanaagsan ugu aqoonsadaan dadka looga shakisan yahay dambiyada, ugana taageeraan baaritaannada la xiriira argagixisada.
Howlgalku sidoo kale wuxuu ka koobnaa taageero farsamo oo la siiyey saraakiisha Soomaaliyeed ee diyaarinaya baaritaanka markabka MT Honour 25, kaas oo horay loogu afduubtay weerar burcad-badeednimo.
INTERPOL ayaa saraakiisha siisay tilmaamo ku saabsan sida habboon ee loo baakadeeyo loona sugo caddeymaha laga soo ururinayo markabka, ka hor inta aan loo gudbin shaybaar baaritaan dambiyeed, si loo baaro faraha laga yaabo inay caddeyn muhiim ah noqdaan.
Arrintan ayaa muujinaysa doorka ay caddeymaha farsamo ee baaritaanka dembiyadu ku leeyihiin la dagaallanka burcad-badeednimada iyo dambiyada ka gudba xuduudaha, gaar ahaan xeebaha Soomaaliya oo ay weli ka jiraan walaacyo la xiriira amniga badda.
Howlgalkan ka dhacay Boosaaso ayaa qayb ka ah iskaashiga ballaaran ee INTERPOL iyo hay’adaha amniga Soomaaliya, kaas oo lagu xoojinayo awoodda baaritaanka dembiyada, wadaagga xogaha sirdoonka iyo la dagaallanka argagixisada iyo dambiyada abaabulan.