Goobjoog

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay khariidaddii uu Soo Bandhigey Netanyahu ee dhaawacaysay Midnimada iyo Madax-bannaanida Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay una diidday khariidad lagu soo bandhigay shir-jaraa’id uu dhowaan qabtay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, taas oo ay sheegtay inay Soomaaliya u muujinayso dal kala qaybsan, isla markaana ay ka hor imanayso xuduudaha caalamku aqoonsan yahay ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay u aragto khariidaddaasi mid marin-habaabin ah oo wax u dhimaysa madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka.

Dowladdu waxay mar kale adkaysay mowqifkeeda ah in midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya ay yihiin mabaadi’ aan laga tanaasuli karin, kuwaas oo ku salaysan Dastuurka dalka, Axdiga Qaramada Midoobay iyo Axdiga Aasaasiga ah ee Midowga Afrika.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu caddeeyay in Somaliland iyo Puntland ay ka mid yihiin dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay yihiin qaybo ka tirsan qaranka Soomaaliyeed ee midaysan.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in tallaabo kasta oo ay qaadaan dhinacyo shisheeye ama mas’uuliyiin ajnabi ah oo lagu beddelayo, lagu marin-habaabinayo ama lagu wiiqayo khariidadda siyaasadeed ee Soomaaliya ay tahay arrin ka hor imaanaysa sharciga caalamiga ah iyo mabaadi’da aasaasiga ah ee xiriirka diblomaasiyadeed.

Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday saaxiibbada caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah inay ixtiraamaan madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ku adkaysatay in xuduudaha dalka la dhowro, lagana fogaado tallaabo kasta oo abuuri karta jahawareer ku saabsan xaaladdiisa dhuleed iyo mid siyaasadeed.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa ugu dambeyn sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta madax-bannaanida qaranka iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay sii gudan doonto waajibaadkeeda dastuuriga ah ee ku aaddan difaaca wadajirka dalka.

War-saxaafadeedkan ayaa ku soo beegmaya xilli Ra’iisulwasaaraha maamulka Israa’iil uu dhowaan soo bandhigey khariidad muujinaysa in Puntland iyo Soomaaliland ay yihiin labo dal oo Israa’iil iyo Imaaraadka Saaxiib la ah.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments