Goobjoog

Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda Federaalka Soomaaliya Mar Walba Waxay Diyaar u Tahay Wada-hadal

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dowladda federaalku ay mar walba diyaar u tahay wada-hadal iyo wadatashi ku saabsan arrimaha masiiriga ah ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka, amniga iyo khilaafka siyaasadeed ee kala dhexeeya mucaaradka.

Madaxweynaha ayaa xusay in dowladda ay diyaar u tahay inay la fariisato dhinac kasta oo aragti ka duwan qaba, si loo helo is-afgarad siyaasadeed, loona xoojiyo midnimada iyo xasilloonida dalka.

Madaxweynaha oo Shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in waddooyinka wadatashigu ay weli furan yihiin, isla markaana dowladda ay diyaar u tahay inay dhegeysato aragtiyada kala duwan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay in arrimaha siyaasadeed ee dalka lagu wajaho wada-hadal iyo is-afgarad, isaga oo muujiyay in dowladda federaalku ay doonayso in la helo xalal ay qayb ka yihiin dhinacyada kala duwan ee siyaasadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa hadalkiisa ku soo qaaday arrimo kale oo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo doorashooyinka, isaga oo ka hadlay muhiimadda ay leedahay in geeddi-socodka doorashooyinka loo wajaho si waafaqsan danaha dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xilli uu taaganyahay khilaaf siyaasadeed oo la xiriira hannaanka doorashooyinka Soomaaliya, amniga dalka iyo xiriirka u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka, kuwaas oo dhammaantood muhiim u ah mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments