Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa kulan la yeeshay wakiilka Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) u qaabilsan Soomaaliya, Dr. Humphrey Karamagi, kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta iskaashiga caafimaadka iyo taageerada ay hay’addu siiso dalka.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Muqdisho 1-dii November 2026, ayaa wasiir ku-xigeenku ku bogaadiyey WHO dadaallada ay ka waddo Soomaaliya, gaar ahaan diyaar-garowga ka hortagga cudurka Ebola, xakameynta duumada iyo gaarsiinta adeegyada caafimaadka bulshada ku nool deegaannada miyiga ah.
Xasan Maxamed Cali ayaa sidoo kale soo dhoweeyey qorshaha hay’addu ku dooneyso inay ku ballaariso howlaheeda Soomaaliya, isaga oo muujiyey muhiimadda ay leedahay sii wadista taageerada caalamiga ah ee lagu xoojinayo nidaamka caafimaadka dalka.




From the comments