Goobjoog

SOOMAALIYA IYO JARMALKA OO KA WADA HADLAY XOOJINTA ISKAASHIGA DHINACYADA DIFAACA IYO AMNIGA

Muqdisho – Kaaliyaha Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Maxamed Cali Bariise, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay U-Qaabilsaha Difaaca ee Dowladda Jarmalka, Gaashaanle Dhexe Michael Lüx. Kulanka oo…

SOOMAALIYA IYO JARMALKA OO KA WADA HADLAY XOOJINTA ISKAASHIGA DHINACYADA DIFAACA IYO AMNIGA

Muqdisho – Kaaliyaha Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Maxamed Cali Bariise, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay U-Qaabilsaha Difaaca ee Dowladda Jarmalka, Gaashaanle Dhexe Michael Lüx.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen qaar ka mid ah hoggaannada Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee gobolka Geeska Afrika, qorshaha la wareegista mas’uuliyadda amniga dalka iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga badda.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqeynta Soomaaliya iyo Jarmalka, gaar ahaan taageerada horumarinta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iskaashi ee labada dal, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo dhismaha awoodda Ciidanka Xoogga Dalka iyo diyaarinta ciidamada Soomaaliyeed si ay ula wareegaan mas’uuliyadda sugidda amniga dalka.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments