Goobjoog

Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo isku raacay sii wadista taageerada howlgalada amniga dalka

MUQDISHO, 3 Nofeembar 2026 (GOOBJOOG) – Dowladda Federaalka Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa mar kale xaqiijiyey muhiimadda ay leedahay iskaashiga iyo isku-duwidda taageerada saadka ee howlgalada amni ee…

Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo isku raacay sii wadista taageerada howlgalada amniga dalka

MUQDISHO, 3 Nofeembar 2026 (GOOBJOOG) – Dowladda Federaalka Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa mar kale xaqiijiyey muhiimadda ay leedahay iskaashiga iyo isku-duwidda taageerada saadka ee howlgalada amni ee ay hoggaaminayaan ciidamada Soomaaliyeed.

Arrintan ayaa lagu xaqiijiyey kulan ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Soomaaliya, kaas oo dhexmaray La-taliyaha Amniga Qaranka, Xajji Aweys Axmed, ku-simaha madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), Qurat-ul-Ain Sadozai, iyo Taliyaha Ciidanka Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Sarreeye Guud Sam Kavuma.

Mas’uuliyiinta ayaa kulanka ku adkeeyey muhiimadda uu leeyahay hannaan-wada shaqayneedka saddex geesoodka ah ee Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, kaas oo lagu xoojinayo isku-duwidda howlaha amniga iyo taageerada saadka ee ciidamada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxay carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in Soomaaliya ay hesho taageero caalami ah oo joogto ah, si loo xoojiyo awoodda ciidamada dalka, loona xaqiijiyo qorshaha kala-guurka amniga iyo xasilloonida muddada fog.

Kulankan ayaa ku soo aadaya xilli ciidamada dowladda Soomaaliya ay si tartiib tartiib ah ula wareegayaan mas’uuliyadaha amni ee ay horay u hayeen ciidamada shisheeye, iyadoo howlgalka AUSSOM uu taageero howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo dadaallada lagu xasilinayo deegaannada laga saaray kooxda.

Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ayaa door muhiim ah ka qaata howlgaladaas, isaga oo ciidamada AUSSOM iyo kuwa Soomaaliyeed siiya taageero dhinaca saadka ah.

Saddexda dhinac ayaa kulanka ku muujiyey sida ay uga go’an tahay sii wadista taageerada caalamiga ah inta lagu jiro kala-guurka amniga, xilli ciidamada Soomaaliyeed ay wajahayaan caqabado la xiriira joogteynta howlgalada, sugidda goobaha istiraatiijiga ah iyo ka hortagga in Al-Shabaab ay dib ula wareegto deegaanno laga xoreeyey.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments