Baydhabo, 26 Nofeembar 2026 – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kormeer shaqo ku tegay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Taliyaha ayaa kormeerkiisa diiradda ku saaray qiimeynta xaaladda amni ee magaalada iyo deegaannada ku xeeran, isaga oo warbixinno ka dhageystay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan halkaasi.
Saraakiisha ayaa Taliyaha uga warbixiyay xaaladda amniga, howlaha ciidanka iyo qorshayaasha lagu xoojinayo sugidda amniga.





From the comments