Muqdisho, Nofeembar 28, 2026: Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaysa saaxiibada caalamka, ayaa sheegtay in 26-kii bishan Nofeembar howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan lagu dilay laba horjooge oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka laba kale lagu dhaawacay.
NISA ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in horjoogeyaasha la dilay ay kala ahaayeen Cabdullaahi Maxamuud Abuu Khaliid, oo ahaa madaxa maleeshiyaadka Al-Shabaab ee degmooyinka Raaga-Ceelle iyo Aayub, iyo horjooge kale oo lagu magacaabo Afarta Tuulo, kaas oo madax ka ahaa maleeshiyaadka ka howlgala deegaanka Afarta Tuulo.
Howlgalka ayaa sidoo kale lagu dhaawacay horjooge Macallin Mursal, oo ku xoogganaa beeraha iyo kanaallada gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyo horjooge Faysal, oo qaabilsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab ee degmada Jalalaqsi.





From the comments