U bood dhigaalka

2030: Sanad Gudihii oo Labo jeer ay Muslimiinta Soomi doonaan

Sheeko:Amniga

Waxaa dhammaan baraha bulshada aad looga hadal hayaa hadal dhawaan ka soo yeeray caalimka wayn ee cilmul falagga reer Sacuudi  Khaalid al-Zaqaq.

Caalimkaan ayaa sheegay in sanadka 2030-ka dadka muslimka ah ay Soomi doonaan laba bil oo ah bisha barakaysan ee Ramadaan.

Dhacdadaan ayaa aad uga fajacisay dadka Muslimiinta ah ee adduunka  ku nool, kadib markii la sheegay in sanadka miilaadiga ah ee 2030 dadku ay Soommi doonan laba jeer.

Si hadaba tan loo fahmo aynu dib u eegno maalmaha iyo kala duwanaashaha bilaha sanadaha Hijriga iyo Miilaadiga oo labadaba la adeegsado.

Sanadka Hijriga ah ayaa ka kooban 354 illaa 355 maalin sanadkii, halka kan miilaadiga uu yahay 365 maalin sanadkii, taas oo ah farqiga u dhaxeysa labada sannad.

Qiyaartii 10 illaa 11 maalin ayuu sanadka Hijriga ah ka yaryahay kan miilaadiga ah, taas oo keenta in sanad walba uu sanadka Hijriga ah u soo dhawaado bisha koowaad ee sanadka Miilaadiga ah.

Soonka oo ah bisha sagaalad ee sanadka Hijriga ah ayaa ku soo aadi doona marka la gaaro 2030-ka bilawga bisha koowaad ee Miilladiga.

6- january ayaa uu bilaabmi doonna Ramadaanta sanadka 2030-ka taas oo ka dhigay in 5-ta bisha February ay noqonayso maalinta koowaad ee ciidda.

Dadka muslimiinta ah ayaana sidaas ku gudan doona waajibaadka bisha barakaysan ee Ramadaanta marka la gaaro sanadka  2030-ka, markaas oo ay taariikhda Hijriga ah ay ku beegmi doonto 1451.

Tan ayaa ka dhigan in inta lagu gudajiro Sanadka 2030-ka dadka Muslimiinta ah markale ay Soommi doonaan bisha barakeysan ee Ramadaan taas oo ku soo aadeyso 26-ka bisha December 2030-ka, soonkaas oo isna ah sanadka 1452 hijriga.

Waxaana dadka Muslimiinta ah ay 5 maalmood ka Soomi doonan sanadka 2030-ka markale, taas oo wadar ahaan ka dhigan in ku dhawaad 36 maalin ay laba bil oo Ramadaan ah ay Muslimiinta Soomaayaan sanadka 2030-ka.

Dhacdadaan ayaa horay loo arkay sanadkii 1997-dii markaas oo ay dadka Muslimiinta ah ay Soomeen laba jeer intii lagu guda jiray 1997.

Waxaana inta badan ay sidaan ay dhacdaa dhowr iyo soddonkii sano mar, markaas oo ay dadka Soomaan laba jeer oo ka tirsan laba sano oo hijri ah inta ay ku guda jiraan hal sanad oo miillaadi ah.

Goobjoog News