U bood dhigaalka

22 Dhalinyaro Tahriib Ahaa Oo Maanta La soo Celiyay

Sheeko:Dalka

Safaaradda Soomaalida ee koonfurta Suudaan ayaa maanta Muqdisho ku soo celisay 22 dhalinyaro Soomaali ah oo tahriib ahaan ugu socday Libya.

Sida uu Goobjoog News u sheegay safiirka safaaradda Soomaaliya ee koonfurta Suudaan Xuseen Xaaji Axmed Maxamuud waxaa intaasi dheeraa mid ku haray dalka Kenya, lobo Itoobiya loo qaadey iyo gabar Jubba ku soo hartay, isu geynta ayaa aheyd 26 qof.

Mr. Xuseen Xaaji Axmed, waxaa uu intaasi ku daray in la soo qabtay iyaga oo saddex koox ah, muddo bil ayey ku xirnaayeen xadka labada dal.

Dhalinyaradan Soomaalida ah ee dalka lagu soo celiyay ayaa la sheegayaa in ay u socdeen dalka Libya si kadib uga galaan qaaradda Yurub.

Goobjoog News