U bood dhigaalka

24-kii Saac ee Lasoo Dhaafay, Jarmalka, Faransiiska iyo Talyaaniga oo Hakiyey Talaalka Covid 19 ee Astrazaneca

Sheeko:Amniga

Saacadihii tagay dalalka Yurub ugu weyn sida Jarmalka, Faransiiska iyo Talyaaniga ayaa ku biiray dalalka hakiyey isticmaalka talaalka Oxford Astrazaneca.

Isla noocan talaalka ah, waxaa horay u  mamnuucay dalal badan oo Yurub sida Denmark, Norway, Iceland, Bulgaria, Luxembourg, Estonia, Lithuania, Latvia iyo ugu dambeeyntii Republic of Ireland.

Thailand oo Asia ah ayaa ka mid ah dalalka mamnuucay, waxaa kale oo qeybo daawadan ah laga diiday Austria iyo Italy.

Waxaa xusid mudan in noocan talaalka ah ee Oxford Astrazaneca isniintii shalay aheyd la keenay dalkeenna Soomaaliy,a lana soo hor mariyey 300,000 oo ka mid ah 1.2 million doses/goojo oo ah talaalka Oxford Astrazaneca, oo ay WHO ku  deeqday.

Sida ay dowladda federaalka ah sheegtay tallaalka waxaa lagu bilaabi doonaa dadka ka shaqeeya goobaha caafimaadka, kuwa da’da iyo qaar xanuunka qaban.

Goobjoog News