U bood dhigaalka

25 Sano Ka Dib Kooxda Kubbadda Cagta Rajo Oo U Soo Gudbay Horyaalka Somalia Premier League

Sheeko:Cayaaraha

Xidigaha Rajo Football Club iyo Gees Afrika ayaa kulan ciyaareed xiiso badan oo loogu soo baxayay ka mid noqshada horyaalka Soomaaliya olalaha soo aadan kuwada dheelay garoonka Jamaacadaha ee degmada Hodan labada dhinac ayaa taageerayaaashii kasoo qeyb galay usoo bandhigay ciyaar ku dheehan farsamo,balse 2-0 guusha ku qaatay xidigaha Rajo Football Club.

Cabdullahi Cilmi Maxamuud oo horay usoo ciyaaray kooxda Rajo FC iminka ah guddomiyaha kooxda ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay shaqada ay qabteen macalimiinta iyo ciyaartooyda kooxdiisa wuxuuna taageerayaasha u diray in dadaalka ay iminka samayeen iyo mid ka saraysa ay kusoo bandhigidoonaan horyaalka Soomalia Preimer League kol ciyaareedka soo aadan.

Degmada Waaberi oo ay kooxda ka dhisantahay ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay waxaa la geeyay koobka horyaalka Somalia Premier League iyo kan degmooyinka Gobolka Banaadir maadaam kooxda uu hogaamiyo Tababare Yuu-Cali ee Dekedda ay labo sano xariir ay guulaystay horyaalka Soomaaliya,halka degmada Waaberi ay iyagana iminka ay haystaan ciyaaraha degmooyinka 2017-2018 Shariif Faarax Xayle oo ka mid ah dhalinyarada sida weyn ula socota kobaca iyo guulaha degmada Waaberi dhinaca ciyaaraha ayaa hamblayo u diray maamulada kooxaha ka dhisan degmada shaqada wanaagsan ay qabteen

Abshir Cabdi Abshir oo ah layliyaha kooxda Rajo ayaa sheegay in halkaan kusoo da’daal waqti dheeri soo socday iminka ay labajiraan maadama ay naadiga 20-kii sano lasoo dhaafay ay qeyb ka aheyd ka ciyaaritsa horyaalka heerka 2aad Soomaaliya

Qaar ka mid ah ciyaartooyda Rajo Football Club oo wajiyadooda laga dareemay farxad ayaa iyagada qudhooda inoogu waramay dareenkooda iyo sida ay u arkaan u soo gudbitaanka horyaalka Somalia.

Kooxaha Rajo iyo Raadsan ayaa u gubay horyaalka Somalia Premier League xili ciyaareedka soo aadan Raadsan waa kooxda hantay horyaalka heerka 2aad ee Division 1

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saasan Arinkaa

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/347318689468717/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle