U bood dhigaalka

26 Arday Oo Ku Sumowday Jallaato Ay Cuneen, Iskuul Ku Yaalla Muqdisho

Sheeko:Dalka

Arday wax ka barata Iskuullada Galobal, gaar ahaan  faraca degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa maanta waxya ku somoobeen jallaato ay cuneen.

Ardayda waxyeellada soo gaartay ayaa tiradooda lagu sheegay 26, waxayna sumoobeen mar qura oo ay jalaatadaasi wada cuneen.

Axmed Xasan Maxamuud, maamulaha iskuulkan ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu ku sheegay in dhammaan ardayda sumoobey loola cararay Isbitaalka Keysaney, halkaasi oo lagu daweynayo.

“Ardaydan Jallaato ay cuneen bay ku sumoobeen, hadda waxaa lagu daweynayaa Isbitaalka Keysaney oo aan wada joogno dhammaanteen” sidaasi ayuu yiri maamule Axmed.

Dhinaca kale, maamulka degmada Kaaraan ayaa bilaabay baaritaanka la xiriira sidey ardaydan u sumoobeen iyo halka jalaatadan laga keenay.

Goobjoog News