26-ka June: Maalin Go’aankeeda Lagu Wada Farxay Laakin Miraheeda Ay Koox Guratay

Maanta waxaa ay umadda Soomaaliyeed u dabaal-dageysaa 58 sano guuradii ka soo wareegtay 26ka June iyo xuriyaddii gobollada waqooyi.

Dabaaldegga 26-ka June waa astaan qaran, waa maalinta ay xuriyadda qaateen gobollada waqooyi isla markaana ay dowlad noqdeen.

British Somaliland, Waxaa gacanta ku hayey gumeystaha Ingiriiska in ka badan 70-sano, lakin arintaan waxaa lasoo afjaray maanta oo kale 26- June, 1960-kii.

Ka hor xuriyadda gobolada waqooyi ee 26-ka June 1960kii, waxaa jiray dhacdooyin iyo tilaabooyin ku tusniya wadinayd iyo isjaceyl dhexmaray bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan waqooyi iyo koofur.

6 April 1960, Golaha Tashriica British Somaliland ayaa meel mariyay Qaraar ama go’aan ku saabsan Madaxbanaanida Somaliland iyo Midnimada Soomaaliya.

Gobollada waqooyiga ama Somaliland si ka duwan maanta la joogo ayey go’aanka madaxbanaanida iyo midnimada ugu farxeen.

Maalmo kadib, 22-kii April 1960kii, waxaa Muqdishu lagu soo gabagabeeyay shir 6 Maalmood u socday Waftigii Waqooyi ee kan Koofur, Labada dhinac waxaa ay isku afgarteen in 1 July 1960-ka la midoobo oo Waqooyi iyo Koofur ku midoobaan Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Kulanka ka dhacay Muqdisho waxaa uu ahaa mid miro dhalay, waxaana la kala tagay iyaddoo labada dhinac ay ka muuqato farxad.

Dad badan ayaa qaba in kulankaas uu ahaa mid caadifad iyo walaaltinnimo ay hareysay waayo lagama hadlin sida ay labada urur ee SNL oo waqooyi ahaa iyo SYL oo ka jiray koofurta ay wax u qeybsanayaan.

Bishii May 2, 1960-kii, waxaa Yurub tagay wafti ka socda Somaliland, safarkaas waxaa kasoo baxay in 26-ka June 1960 la gaarsiiyo British Somailand madax banaani.

Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal oo waftiga horkacayey oo la hadlay umadda Soomaaliyeed isagoo London jooga waxaa uu ku celiyay in Somaliland la midoobi doonto koofurta, sidaana ay labada dhinac ku faraxsan yihiin.

25-26 June, 1960kii lagama seexan gobollada waqooyi ee Soomaaliya, madaxdii Ingiriiska iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxaa ay ku mashquulsanaayeen kala wareejinta maamaulka iyo sagootinta gumeystaha.

Shacabka waxaa ay isku diyaarinayeen in ay noqdaan dowlad, waxaa intaa dheer fanaaniinta oo qoray heeso iyo sugaan lagu cabirayo maalintaas qiimaha badan.

Waxaan filaayaa marka aad xuriyad soo xasuusataan, Waxaa dhagihiina kusoo dhacaya” goormaan Ladnaaney Lixdankii, Lugooyadii na deysay 26-kii June, goormaan Lulanay, 6-dii saacc goormaa Libaaney,  1-dii Luulyo labo midowday.

Erayadaas waxaa ay soo koobayaan dareen jiray 26-kii ilaa 1 July 1960-kii, Maalmahaas oo kale Soomaaliya horay uma soo marin.

June 26, 1960-kii, Waxaa xoroobey qeybta Waqooyi ee dalka Soomaaliya, Soomaalida ayaa la wareegtay maamulka dhulkooda, isla maalintaas waxaa calanka laga taagay Bartamaha magaalada Hargeisa(Beerta Xuriyadda), iyadoo la qaadayo “Kaana Siib Kanna Saar”.

Halgamaaga Soomaaliyeed abwaan C/laahi Suldaan Timacadde ayaa Gabaygaas codkiisa ku qaaday, waxaa uuna noqday gabay ka tarjumaya rabitaanka bulshada Soomaaliyeed ee Waqooyi iyo koofur.

Waa jirtay Hees leh, Waa 26-kii, ee labada geesood midi ladnaatay, lurtii gumeysiga geed dheer ku laalay, waa 26-kii lugta waqooyi Libintii keentay, Cadawgii Legdeen,  leydhii xurnimo, liibaan ku gaareen.

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo la hadlay shacabka kadib bixitaankii gumeysiga ingiriiska, waxaa uu sheegay in dalka ka baxeen ajaanibtii, inaga ayaa naloo kala tagay ayuu intaa raaciyay isagoo hadalkiisa kusoo gabagabeeyay in 1 July ay raacayaan Walaalahooda Soomaaliya.

4 Maalmood 26-kii June, waxaa xuriayddii qaatay gobolada Koofureed ee dalka Soomaaliya, waxaa halkaas ka baxay dalka Talyaaniga uu maamulayey muddo toban sano ah.

Allaha u naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal, Waxaa uu soo hor kacay Wafti reer Somaliland ah oo Muqishu u yimid arin taariikhi ah, taas oo aheyd in la mideeyo labada gobo lee dalka, tiiyoo run noqotay 1-dii July 1960-kii.

Heestan ayaa ka mid ahaa heesihii loo qaaday xuriyadda June 26keeda“Waa Mahad Alle, Maantaba dunida ka midbeynu nahoo, Waa Mahad Alle, Maantaba dunida ka midbeynu nahoo, majo iyo madaxeen banana…waa Mahad Alle Madaxeen Banaan, waa Mahad Alle Madaxeen Banaan ”

Midnimadii labadii gobol ee jamhuuriyadda Soomaaliya ka dib waxaa dowladdii madaxweyne Aaden Cabdulle Cusmaan, dhanka waqooyiga Soomaaliya waftigii ka yimid waxaa hogaaminayey  Max’ed Xaaji Ibrahim Cigaal xilal kala duwan ka qabtay dalka

  1. Wasiirka difaaca 1960kii-1962dii
  2. Wasiirkii Waxbarashada 1962dii-1963
  3. Ra’iisul wasaarihii dowladdii C/rashiid Cali Sharmaarke ee 1967dii-1969kii.

Aden Cabdulle Cusmaan oo ka soo jeeda gobollada koofurta ayaa dalka madax ka noqday xuriyadda kadib, waxaa ra’isul wasaare u magacaabay Cabdirashid Sharma arke oo isna koofurta ah.

July 11, 1961, Waxaa uu Aden Cadde mar kale doortay Cabdirashid Cali Sharma’arke, waxaa jirta arin xusid mudan Labadii xukuumad ee Cabdirashid Cali Sharma’arke uu dhisay, reer Waqooyi ama British Somaliland waxaa la siiyay Afar Wasiir halka Koofurta ay heleen 10 Wasiir, Waxaa intaa sii dheeraa Madaxweynaha iyo Ra’aisul Wasaaraha oo dhamaan ka soo jeeday Koofura Soomaaliya ee uu maamuli jiray gumeystaha Talyaaniga taasi oo keentay in Wasiiro badan is casilaan markii dambe uu ku jiro Wasiirka Waxbarashada Maxamed Xaaji Ibrahim Igal iyo Sheekh Cali Ismacil wasiirka gaashaadhiga.

Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal oo xuriyadda ka hor waqooyiga dalka ka ahaa Xogheyaha guud ahaa xisbiga SNL iyo Ra’isul wasaarihii ugu horeeyay ee Somaliland ayaa Soomaaliya ka noqday dhowr wasiir iyo ra’isul wasaare laakin waxaa xiray Maxamed Siyaad Barre kadib inqilaabkii October 1969kii isagoo xabsiga ku jiray ilaa 1981dii, marka laga reebo hal sano oo India uu safiir ka ahaa.

Bishii May 1988, Waxaa ay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya dilal ka geysteen magaalada Hargeisa, taas oo keentay in dad badan ku dhintaan, ilaa iyo hadda waxaa taagan dhibaatadii maalintaas, Muqdisho kama bixin raali galin iyo Magdhaw toona.

Hargeisa  wixii 1981dii ka dambeeyay qalbiga ayey ka goosatay Muqdisho, waxaa ay bilaabeen halgan ka dhan ah dowladda Soomaaliya tiiyoo keentay markii dambe in May 18, 1991dii ay ku dhawaaqday gooni isu taag iyo Madaxbanaani.

Maxamed Xaaji Ibrajim Cigaal oo wareysi  bixiyay 1991-kii kadib, kana hadlay gooni isu taaggii Somaliland, waxaa uu sheegay in Midnimada labada gobol ay ku timid caadifad iyo qorshe la’aan.

Aqoonyahanno badan uu ka mid yahay Maxamed Faarax oo ah qoraa ku nool magaalada Hargeisa, wax bandanna ka qoray Taariikhda Madaxdii Somaliland sida Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal iyo goonni isu taagga Somaliland waxaa uu qabaa in Somaliland ay maalintaas dowlad noqotay isla markaana midowga iyo ka go’idda go’aanleeda labadaba ay tahay mid u taallo shacabka iyo hogaanka Somaliland.

Hadda waxaa socdo wada hadal labada gobol ah, sheekada waxaa ay taagan tahay halkii 1960kii ay joogtay, weli waa ka sii adag tahay, Soomaalida, beesha caalamka iyo cid walba oo daneysa arrimaha Soomaaliya waxaa ay isha ku wada hayaan waxa ka soo bixi doona wada hadalka Somaaliya iyo Somaliland iyo halka ay natiijada noqon doonto.

Ugu dambeyntii, waxaa xaqiiq ah in 26ka June ay  Maalin go’aankeeda lagu wada farxay laakin miraheed ay koox guratay?! Haddii midnimo la rabo waa in ay dhacdaa tanaasul ka yimaada koofurta, lana siiyo gobolkaas xuquuqdooda oo dhameystiran.

Goobjoog News

 

Related Articles

One Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW