U bood dhigaalka

27 June Ee Djibouti: 45 Sano Oo Xornnimo Ah Iyo Sida Ay Ku Noqdeen “Hiil-Walaal”

Sheeko:Amniga

Dalka Djibouti waxaa maanta loo dabaal-degayaa 45 sano guuradii ka soo wareegtay xoriyaddooda, Djibouti waa dhul iyo dad Soomaaliyeed, waa dad aanu isku dhiig, dhaqan iyo isku diin nahay, maantana Soomaalida waxaa ay ugu yeeraan Hiil-Walaal.

Djibouti waxaa ay ka mid tahay dhulka ku baxay dhagarta gumeystaha, waxaa jirtay in 1884-tii la qabtay shir loogu magac daray shirkii Berlin, waxaa shirkaas kasoo qeyb-galay gumaystayaashii reer Yurub, Mareykanka iyo Boqortooyadii Cusmaaniyiinta.

Waxaa lagu qeybsaday Afrika, dalka Soomaaliya waxaa loo kala saaray Shan qeybood oo kala ah: Koofurta oo qeyb ahaan  loo siiyay Talayaaniga, Waqooyiga  ama Somaliland oo qeyb loo siiyay Ingiriiska, waxaa kaloo Ingiriiska la siiyay Labada Gobol sida Koofur Galbeed oo haatan Xabashida Gumaysato iyo N.F.D oo wali ku jirta gacanta Gumaystaha Kenya halka dhulkii loo yaqaanay xeebta Soomaaliya ama Djabuti qeyb loo siiyay Faransiiska.

Djibouti isma dhiibin, ee dagaal ayey la galeen gumeystaha, iyagoo wiilal badan ku waayey xuriyadda iyo in ay la midoobaan Soomaaliya, geesiyaashii soo maray waxaa ugu caansanaa Maxamud Xarbi.

Maxamuud Xarbi: Maxamud Xarbi waa geesi u dagaalamay Xoraynta DJibouti, dalka (Masar) ayuu wax ku bartay, sawirkiisana Naadiga Soomalida ee dalka Masar ayaa lagu hardhay halkaas uu wax ka bartay, ururkii PMP ayuu ku dhisay,isagoo si cad u mucaaraday joogitaanka Faransiinska ee Jabuuti.

Maxamud Xarbi oo mar Madaxweyne ku xigeen ka noqday is-maamul ay faransiiska u sameeyeen Djabuti 50-meeyadii, waxaa uu hogaaminayey wafdigii ka socday Djabuti ee ka qeyb galay maamlmihii dabaal-degga xuriyadda ee 1da July 1960-kii.

Ugu dambeyntii, October 1960-kii ayey cadawga Faransiiska diyaarad kula qarxiyeen badda dusheeda halkaana waxaa ku shahiisay geesiga Maxamuud Xarbi iyo ajaanib kale oo diyaaradda la socday, Maxamuud Xarbi waa geesi kale dayaxu u baroortay.

Xuriyadda Djibouti:

Dalka Djabuti, Soomaaliya ayaa ku gacan siisay dalka Djabuti in ay xuriyadda ka gaaraan Faransiiska kadib hal qarni uu halkaas gumeysanayey, isagoo u diiday sidoo kale in ay la midoobaan Soomaaliya, ugu dambeyntii maanta oo kale 1977dii ayey xuriyad qaateen. 

Macluumaad Ku Saabsan Dalka Djibouti:

Dalka Djabuti waxaa ay xuriyad qaateen 27-dii June 1977dii, waxaa ay xuriyad ka qaateen dalka Faransiiska,

Caasimadda Djabuti waa magaalada Djabuti, Madaxweynihii ugu horeeyay waxaa noqday Xassan Guuleed Abtidoon, 19kii sano ee ugu dambeeyay waxaa madaxweyne ka ahaa Ismaaciil Cumar Geelle.

Magaalooyinka ugu caansan waa Djabuti oo caasimadda ah, Carta, Tajorah,   Cali Sabiix, Obok, Dakhil, waxaa looga hadlaa Af-Somali, Afka Faransiiska, Afka Carabiga iyo Afka Cafarta.

Lacagta Lacaga isticmaalo waa Faranc.

Xiriirka Soomaaliya iyo Djibouti:

Dalka Djabuti, waxaa uu Soomaaliya u qabtay shirar badan oo dib u heshiisiin ah, Labo ka mid ah 3 shir oo dalkaasi lagu qabtay waxaa lagu dhisay dowlado.

Shirarka Djibouti ka dhacay, waxaa ay kala ahaayeen:

  1. Shirkii Djibouti June 12, 1991-dii.
  1. Shirkii Cartre , August 9, 2000.
  1. Shirkii 2008-dii ee heshiiskii dowladdii TFG iyo isbaheysigii ARS).

Xilliga la joogo, Waxaa ay qeyb ka yihiin ciidanka AMISOM, Soomaalida gobollada dhexe waxaa ay ula baxeen Hiil-Walaal, waxaa ay ka jecel yihiin ciidanka Madow ee dalka ku sugan.

Ugu dambeyntii dalka Djabuti, waa dal xor ah, Laakin waxaa si dadban u maamulo Faransiiska, kama jirto dowlad adag oo dimoqoraadi ah, shacabka Djabuti oo hal Milyan ka yar, si fiican ugama faa’ideystaan Kheyraadkooda, Faransiiska iyo Ciidamo kale oo ajaanib ah ayaa ku dul nool.