U bood dhigaalka

28 Degmo oo Soomaaliya ka tirsan oo La La’yahay dariiq gargaar Loo Mariyo

Sheeko:Dalka

kolonyo gargaar ahSida ku cad warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobey, illaa 6 degmo oo Soomaaliya ka tirsan ayay aad u saameeyeen abaarta dalka ka jirta.

Gobolka Gedo boqolkiiba %70 dadka degen halkaasi waxaa saamaysay abaarta, waxaana lagu guuleystey in biyo la gaarsiiyo illaa 150 kun oo qof, 130 kun oo kalana deeq lacageed, halka 70 kun oo kale raashiin lala gaaray.

Wadooyinka loo maro degmooyinka 28 degmo oo ka mid ah 42-da degmo ee ay abaaraha saameeyeen ayaa go’an oo gabi ahaanba la gaari karin, taasina waxay keeneysaa in xaaladda dadka ay kasii darto.

Sida ay sheegtey hey’adda UNOCHA illaa hal malyuun oo qof ayaan heli karin nolol maalmeedkooda maalintii, tanina waa koror ah boqolkiiba 20 illaa bishii feberaayo, waana markii ugu horeysey oo tirade sidan u kororto tan iyo sanadkii 2011-kii.

Illaa 2.1 malyuun oo qof oo kale ayaa qarka u saaran cunto yari, tanina waxa ay wadarta ka dhigeysaa 3.2 malyuun oo qof.

Dhawaan daraasad ay samaysay jaamacadda Feinstein mac-hadkeeda caalamiga ah ayaa waxaa lagu sheegey in shuruucda argagixiso la dagaalanka ay xanibeen deeqbixiyaal badan iyo hey’ado hawlo badan ka qaban lahaa Soomaaliya.

Daraasadda oo lagu soo bandhigey mac-hadka Heritage ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay caqabadaha hortaagan gargaarka, sida hufnaan la’aan ka dhex jirta hey’adaha gargaarka laftooda.

daraasad

 

Goobjoog News