U bood dhigaalka

29 Ballanqaad uu Sameeyey Madaxweynaha Cusub Xasan Sheekh Maxamuud!!

Sheeko:Amniga

Xasan Sheekh Maxamuud oo madaxweyne ah muddo labo todobaad ah, waxaa uu ilaa hadda sameeyey 29 ballanqaad, taasi oo ay tahay in lagula xisaabtamo meelmarintooda.

Warbaahinta Goobjoog oo ka ambaqaadeysa mabda’eeda la xisaabtanka madaxda haya xilalka qaranka ayaa halkan kusoo bandhigi doonta ballanqaadyadaasi uu sameeyey madaxweyne Xasan oo 29 ah, iyada oo bilo kadib soo bandhigi doonta natiijada guul iyo guul-darraba.

Haddaba, Halkan Ka Akhriso 29-ka Ballanqaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

1. Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu baarlamaanka federaalka ah ee 11-aad kahor sheegay in dalka ay ka jiraa 3 aragti oo kala ah: Mid Al-shabaab oo Takfiir ah, midda hoggaamiyeyaal aaminsan gacan bir ah in dalka lagu hayo oo lagu maamulo, dadkana qofkii ka ra’yi duwan la ciqaabo oo la cadaabo iyo aragtida sedexaad oo ah in dalka lagu hoggaamiyo dib-u-heshiisiin, isqancin iyo wadarogol, isaga oo intaa raaciyey “”Anigu oo ku faanaayo inaan qeybtaas sedexaad anigu aan ka mid ahay hoggaamiyeyaasha qaba ra’yigaas”.

2. Waxaan diiradda saari doonaa haddii Allah uu yiraahdo oo ugu horeeyo waa ( AMNIGA) oo ah in dalka dib loo xoreeyo, oo ah in laga xoreeyo argigixisada magaalooyinka, lana furo waddooyinka isku xira, oo dalku uu noqdo meel dadka iyo badeecadaha si rasmi ah ay u kala socon karaan oo isku furan iskuna xiran.

3. Waxaan ka shaqeyn doonaa oo amniga barbar socda ( GARSOOR) oo aan ku bilaabi doono sameynta guddigiisii madaxbannaanaa ee dastuuriga ahaa ee adeegga Garsoorka.

4. Guddiga dib u qaabaeynta shuruucda, shuruucda dalkeena ka jira waa shuruuc waqti hore oo aad u fog  la sameeyay, oo u baahan in waqtiga hadda ah kuwa la jaanqaadi kara laga dhigo, meelaha qaarkoodna mardhow ayey soo kordheen oo shuruuc ma lahan shuruucda in loo hagaajiyo, wixii aan muddooyinkii lasoo dhaafay aan la qaban.

5. Waxaan sidoo kale aan ballan qaadayaa  in dalkan iyo dadkan sharafooda iyo karaamadooda aad iyo aad loo ilaaliyo.

6. Waxaan ballan qaadayaa in aan qof muwaadin Soomaaliyeed ah inaan dibadda loo dhiibin oo dal kale aan loo dhiibin.

7. Waxaan ballan qaadayaa qof Soomaali ah fikirka siyaasiga ah uu aaminsan yahay awgiis, in aan loo caburin, loona cadaadin.

8. Waxaan idiin ballan qaadayaa dalka qeybo ka mid ah iyo deegaannada qeybo ka mid ah in aan lagu soo rogaynin cunaqabateyn, cadaadis dhaqaale iyo mid siyaasadeed.

9. Waxaan idin ballan qaadayaa in dalka ay ka hirgasho dib-u-shiisiin dhab ah, taas oo leh laba waji. (A) Dib-u-hishiisiinta bulshada ee deegaannada iyo degmooyinka maxaliga ah iyo beelaha dhexdooda ka socon doonto iyo (B) Dib-u-heshiisiinta siyaasadda oo dadka Soomaaliyeed aan doonayno ay aasaas u noqoto, dib -u-heshiisiintooda siyaasadda saldhig ay u noqoto Dastuurka dalkaan uu yeelanayo.

10. Dimoqoraadiyeynta: Dalkan kama suurowdo in ay dib ugu soo laabato digtaatooriyad oo qofi xukunka iska joogo, isaga oo aan heysanin sharciyad, ama ogolaansho dadka dhexdiisa ah. Dalkaan kama suurowdo koox gaar ah heyb gaar ah dad sheeganayo iyo deegaanno gaar ah dalka xukunkiisa inaga ayaa haysana oo la wareegnay in ay dhahaan Soomaaliya kama suurowdo

11. Waxaan abuureynaa nidaam dadka Soomaaliyeed in ay ku kalsoonaadaan hey’adaha Dastuuriga ah iyo hey’adaha dowladda oo aan loo arkin kuwo u daneynayo dad gaar ah iyo deegaan gaar ah, sidaas dareedeed dhisidda kalsoonida dadka ee ku salaysan Dimuquraadiyadda.

12. Waxaa lasii xoojinayaa oo aan daadejin doonaa, haddii Allaah yiraahdo nidaamka federalka oo ilaa iyo heer degmo iyo heer tuulo la gaarsiinayo, mabaadi’da Federalismka oo aheyd xukunka iyo dowladnimada in loo dhoweeyo dadka oo meesha ugu dhow la geeyo taladooda iyo talada dalka guud ahaanba.

13. Waxaan xoogga saari doonaa arrimaha dhaqaalaha, waxaan xoojin doonaa kor u qaadista dakhliga dowladda, iyadoo sifo sharci ah lagu qaadayo dakhligaasi, iyadoo la tix-galinayo oo la eegayanyana duruufaha dalka iyo dadka ay marwalba ay ku sugan yihiin.

14. Waxaan ku dadaalaynaa, oo xaqiijinaynaa, illahay idankiis, in dowladda Soomaaliya ku tiirsanaato dakhli gudaheeda ka yimaaday, qarashka dowladdana kusoo xadidno hadba awoodeena dakhliga gudaha inta uu la egyahay, ee, aan marwalba sida aan soo aheyn waayahaan dambe bilowgiiba in aan ku tiirsanaanin qarashaadka dibadda nooga yimid, laakiin dakhliga dowladda iyo (running costs ) inaan kaalmo caalami ah uga baahanno ma ahan.

15. Siyaasadeenna arrimaha dibadda, waxaa ay ku salaysnaan doontaa, hal mabda’ oo aad u weyn oo ah Soomaaliya in aysan yeelan cadow dibadda ah.

16. Waxaan halkan ka xusayaa si gaar dib u eegis dhab ah lagu sameyn doono cilaaqaadka ka dhaxeeya dowlaha aad iyo aadka noogu soo gurmaday oo dhiigooda iyo dhacaankooda umaddaan in ay badbaado oo ay sharaftooda soo ceshato u huray oo ay ugu horayso dalka Jabuutti oo aan walaalaha nahay ee aan wadaagno wax badan.

17. Waxaan soo celin doonaa kalsoonida dowladda Soomaaliya lagu qabo ee caalamka, ee, hey’adaha caalamku ku qabaan dowladaha caalamkuna ay ku qabaan, si wadashaqeynteenii caalamiga aheyd ay u noqoto, maxaan iraahdaaye, mid shaqeynayso.

18. Igama filaysaan xal mushaakilaadka siyaasadeed ee dalka ka jira in qori lagu xaliyo, in caburin lagu xaliyo, in cabsi galin lagu xaliyo, dowladda aan hoggaamiyana, waxaa ay aad uga shaqeyn doontaa in qofka Soomaaliga ah maskaxda uu xor ka ahaado..waxaan waasici doonaa saaaxada siyaasadda, oo looga doodo oo dadka Soomaalida ah ra’yigooda si xornimo ah ay u soo bandhigayaan.

19. Waxaan jooji doonaa, oo raaci doonaa sida dastuurku qabo, in dadka isku imaatinkooda iyo wadatashigooda aanay fasax dowlo u baahan, haddii aynay amuuro amni anay jirin, laakiin dadku in ay isku yimaadaan oo ay wada tashadaan, ra’yigooda cabiraan, waxa ay diidan yihiin ay cabiraan, oo ay u sheegaan si nabad ah, marna in aan fasax lagu xirin, isku imaatinka umadda Soomaaliyeed waa waajib dastuuri ah oo aan u baahneyn in fasax loo soo qaato iyo in la waxeeyo.

20. Xasan Shiikh Bas ma watee Tareen dheer uu aan buuxsameyn ayuuwataa.

Khudbad uu madaxweyne Xasan ka jeediyey xaflad loogu mahadcelinayey guddiga doorashooyinka waxaa ku jirtay ballana ah:

21. Xukunka Xamar aan ka qaadnay caasimahada waawayn ee dowlad gobaleedyada ayaan gaynay, caasimadihii ayuu joogaa, markan caasimadahaa ka wadaynaa degmooyinkaa gayneyna, dadka Soomaaliyeed waa loo sii dhaweynayaa. Waxaan rabnaa dadku inay doortaan wiilka iyo gabdha degmada daggan ee ay garanayaanoo beertiisi ku taallo, oo geelliisi xagga daaqayo, oo doontiisii kaluumaysiga xagga ku xiran tahay, dadkaas inta ay doortaan ee ay u shaqeeyaan nidaam aan la imaaneyna dadka dadka la nool ee ku dhex nool in ay mas’uuliyadda u dhiibtaan”.

Khubad uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kula hadlay dhalinyarada waxaa ku jirtay 8 ballamo oo kale, oo ay ka mid yihiin:

22. Maadaama mustaqbalka dalkeenu saaran yahay dhallinyarada,  dowladdeydu waxyaabaha hortabinteeda ah in ay ka mid noqoto hormarinta dhallinyarada. Dhallinyada waxaan rabnaa inaan dhinac waliba aan u hormarinno, dhallinyarada waxaan rabnaa xagga aqoonta, xagga fikirka, xagga fursadaha intaba in ay ka hormaraan.

23. Waxaan rabaa inaan ku dhawaaqo galabta haddii Allah yiraahdo hindisaha hormarinta dhallinyarada  qaranka, ama dhallinyarada  Soomaaliyeed oo aan rabno in talada dalka in ay wax ku yeeshaan, jihada dalkaan uu aadaayo, waxyaabaha la qabanaayo, waxa muqtaqbalka ah ee soo socdo ee la wada higsanaayo, dhallinyaradu taladana ay ku leeyihiin.

24. Shirweyne qaran oo dhallinyarada Soomaaliyeed ah dal iyo dibad meeshii ay joogaanba in wakiilladooda ay isaga yimaadaan oo ay ka shiraan ajandayaal ku saabsan qaabeynta mustaqbalka umadda.. Shirweynayaasho waa isdabasocon doonaan, dalka gudihiisa marba meel ayaa lagu qaban doonaa, marba meel ayey dhallinyaradu isugu tagi doonaan, laakiin albaabkaasi maantan bilownay waa furan yahay waana soo socdaa, haddii Allaah yiraahdo insha Allah.

25. Waxaan kale oo aan rabaa galabta fursad waayee inaan ka dhawaajiyo dadka Soomaaliyed, ma ahan dhallinyada oo keliya, dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in la abuuro fursado, fursadahaas oo ah shaqo abuur, hindise shaqo abuur ayaa waryaabaha hortabinta leh oo dowladdeenu xukuumaddeenu in ay la timaado aan rabno maalmaha isbuucyada bilaha soo socda waaye, waxaan rabnaa inaan abuurno fursado in dowladda loo wadashaqeeyo ee dhallinyaradu wasaaradaha iyo ciidamada bas ma ahan.

26. Dowladdaan waxaa ay ka shaqeyn doontaa in ay abuurto jawi oo maalgalin caalami ah iyo maalgalinta Soomaalida hantida ay leedahay ee dibadda jirta, hantiilayaasha Soomaalida ah ee la cabsaday hantidooda ee la cararay ee dibadda geeyay in ay soo celiyaan oo dalka ay kusoo celiyaan, oo ay ka shaqeeyaan, si fursado loogu abuuro dadka Soomaaliyeed, guud ahaan, shaqo loogu abuuro daqli loogu abuuro.

27. Dowladdan waxaa ay ka shaqaynee in maxay iraahdee in qoys waliba oo Soomaali ah oo fursado, dakhligiisa uu kor u kaco,  kii hadda dakhli helana kor uga kaco,  kan aan dakhliga haysana uu dakhli u abuuro, shaqo abuuris loogu abuurayo dadka Soomaaliyeed guud ahaan, markaan niraahno dee dadka Soomaaliyeed guud ahaan inta ugu badan waa dhallinyaro.

28. Dowladdu waa ay furfueysaa fursadahaad, waa ay ballaarin doontaa in shaqaale badan oo dowladda u shaqeeyo in la qaato.

29. Dhallinyarada Soomaaliyeed meel kasto ay joogaan miyi iyo magaalo ay helaan, kan miyiga joogo loo abuuro oo fursado uu helaa, kan magaalada joogana loo abuuraa. Kan xeebta joogo waa in loo abuuraa, kallmuumaysiga ama kheyraadka badda ka shaqeeyo, kan kheyraadka xoolaha ka shaqeeyo, kan beeraha ka shaqeyo, kan ganacsiga ka shaqeyn doono.

Goobjoog News