U bood dhigaalka

3 Carruur Ah Ku Dhaawacantay Qarax Ka Dhacay Deegaan Ka Tirsan Cabudwaaq

Sheeko:Dalka

3 Caruur ah oo xoolo la jiray ayaa la dhaawac culus soo gaaray kadib markii ay gargaraaceen gumaca Madaafiicda, iyagoo xiligaas ku ciyaarayey

Dhacdadan ayaa ka dhacday deegaan lagu magacaabo Miirjiilicley oo ka tirsan degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Goobjooge la hadlay Idaacadda Goobjoog waxaa uu sheegayaa in caruurta dhaawacdooda loo qaaday Isbitaalka Cabdudqaad, isagoo intaa ku daray in dhacdadan ay soo laabatay markii labaad sanadkan oo kaliya.

Goobaha ay caruurta ku dhaawacmeen waa madaafiic iyo rasaas ka haray ka hor dagaalladii sokooye ama xilligii dowladdii Maxamed Siyaad Barre, dowladihii ka dambeeyana ma sameyn wax miino baaris ah ama in rasaasta meesha laga qaado.

Goobjoog News,