U bood dhigaalka

3 May: Maalinta Xorriyadda Hadalka Adduunka

Sheeko:Dalka

Maanta oo kale sanad waliba waxaa dunida oo dhan laga xusaa maalinta xorriyadda hadalka oo siyaaba kala duwan looga hadlo caqabadaha ku hor gudban dadka la caburiyo oo saxaafaddu ay hor joogaha  u tahay.

Maalintan waxaa leys xasuusiyaa inteeda badan dhibaatooyinka la soo gudboonaada dadka u ololeeya madaxbanaanida hadalka iyo horumarada laga gaaray xorriyadda hadalka.

Seddexda bisha May oo la xuso madaxbanaanida hadalka waxaa la ansixiyey sanadku markuu ahaa 1993-kii waxaana ay ku suurta gashay ansixinta maalintani Soo jeedinno dhan Labaatan iyo lix sano oo ay u ololeynaysay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan waxbarashada in loo asteeyo xorriyadda hadalka maalin u gaar ah,waxaana sidaas qalinka ugu duugay gololaha amaanka ee qaramada Midoobay.

Iminka dalkeena waxaa Labaatankii sano ee la soo dhaafay si weyn uga hana qaaday warbaahinta iyo xisbiyo aan wali sharcigoodii la an sixin kuwaas oo sheega in caburin hadal lagu hayo oo aysan soo bandhigi karin ra’yigooda.

December 28-keedii maalin isniin ah 2015 ayuu baarlamaanka Soomaaliya ansixiyey sharciga saxaafadda Soomaalida lagu dhaqayo iyadoo ugu dambeyna Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maalin Sabti ah  09 Jan, 2016 saxiixay sharciga saxaafadda dalka  sidaasna lagu sheegay dhaqan galka sharcigaas.

Haddaba waxaan eegeynaa qodobadii madaxweynuhu saxiixay gaar ahaan qodobka seddexaad ee xorriyadda hadalka ku saabsan

                                      Qodobka 3aad Xorriyadda Saxaafadda

3.1 Saxaafaddu way u madax-banaan tahay fulinta hawlaheeda saxaafadeed ama warbaahineed ee noocyada kala duwan.

3.2 Xorriyadda hadalka iyo fikirka waxaa loo fulinayaa sida ku xusan Dastuurka Federaalka ee Soomaaliya (Qod. 18aad) oo qeexaya xorriyadda ra’yiga iyo afkaarta, axdiyada caalamiga ah, kuwa qaaradeed iyo goboleed oo ay  Soomaaliya ay qaybta ka tahay.

3.3 Dhammaan warbaahinta gaarka ah ama tan dadweynaha wararkooda faaf- reeb laguma sameyn karo, lagumana khasbi karo faafinta warar u daneynaya dhinac gaar ah.

3.4 Haddii xarun warbaahineed ama suxufi lagu helo fal ku saleysan baahinta arrimaha hoos ku qoran: B. Baahin warar been-abuur ah; T. Hurinta colaado; X. Dacaayadda aan sal laheyn Golaha Saxaafadda Qaranka waxay awood u leeyihiin:

  1. Marka hore in ay digniin qoraal ah siiyaan xarunta warbaahineed ama suxufiga.
  2. Marka xigta Goluhu wuxuu ku ganaaxayaa xarunta warbaahineed ama suxufigaas lacag u dhexeysa $500 – $1000. (Shan boqol illaa kun Dollar).
  3. Haddii xarunta warbaahineed ama suxufiga ay u hoggaansami waayaan go’aanka Golaha Saxaafadda Qaranka, waxaa kiiskooda loo gudbinayaa maxkamadda awoodda u leh kiiska lagu eedeeyay.

Haddaba Soomaaliya xaddi intee la eg ayuu gaarsiisan yahay xoriyatul qowlku ayaan weydiiyey Maxamed Ibraahim Bakistaan oo hadda ka sii tagaya xilka xoghayanimo ee ururka NUSOJ.

‘’Xorriyatul qowlka Soomaaliya markii loo eego labaatankii sano ee la soo dhaafay waa mid hana qaadaya waxaana saameyn ku yeelanaya isbedelka siyaasadeed ee uu wadanku galayo waxaana wariyaasha aan kula talinayaa iney feejignaan muujiiyaan’’ayuu yiri xoghaye Bakistaan

Ururka Suxufuyiinta aan xuduudda lahayn  ayaa sheegay in sharciga la degaalanka kooxaha mayalka adag  ee la ansixiyay sanadkii 2009-kii  loo adeegsado in lagu caburiyo weriyayaasha.

Ururku waxaa kale oo warbixintiisa lagu sheegay in gumaadka weriyayaasha uu gaaray heer ay  degaameystaan  goobaha ay ka shaqeeyaan.

Wasiirka warfaafinta ee Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo Goobjoog FM wareysi siiyey ayaa aaminsan in xorriyadda saxaafadeed ee Soomaaliya ayba hoggaan u tahay qaaradda Africa marka loo eego xorriyadda Soomaaliya ka jirta.

Xornimada hadalka ee Soomaaliya waxaan aaminsanahay in ayba haggaan qaaradan Africa ay u tahay markaan eego madaxbanaanida ay warbaahinta iyo bulshaduba Soomaalidu heysato,waxaana qirsanahay dhibaatooyinka wariyaasha haysta ee waddanka ka jira’’ Ayuu yiri wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya.

 

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye wasiirka warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya ayaa weydiiyey tan iyo qabashadii xilka uu hayo waxa ay wasaaraddu u qabatay saxaafadda madaxa banaan

‘’Anigu intii aan joogay xafiiska waxaan xoogga saaray sidii ay wariyaashu ay xuquuqdooda u heli la haayeen waxaana dajiyey qorshe hagaagsan oo saxaafadda Soomaaliya lagu maamulo shanta Sano ee Soo aaddan’’Ayuu yiri maareeye.

Maalinta xorriyadda hadalku waxa ay wada saameynaysaa guud ahaan bulshada waxaan xog wareysanay qaar ka mida shacabka Muqdisho oo aragti cabiraya heerka uu gaarayo xorriyatul qowlku.

Axmed oo shacabka Muqdisho ka mid “haddii aan ka hadlo xorriyadda hadalka ee Soomaaliya waxa uu taagan yahay halkii ugu hooseysay ee waddan aduunka ah”

Dr Xasan oo shacabka Muqdisho ka mida “waxaan horumarka la gaari la’nahay waaba caburinta dowladdu ay shacabka iyo dadka indheer garadka ah ay ku hayso hiigsina lama gaari doono inta xaalkuba sidaan yahay’’Waxaa sidaas qaba qaar ka mida shacabka Muqdisho oo aan xog wareysanay

Xorriyada iyo horumarinta saxaafadda Soomaaliya sida sharciguba dhigayo waxaa masuul ka ah wasaaradda warfaafinta ee dowladda Soomaaliya iyadoo ay muuqato in kaalintaasi ay wali banaan tahay marka loo eego duruufaha iyo dayaca ay qabto warbaahinta Soomaalidu.

Dadka intooda badan sheega in caburin aragtidooda la xiriirta lagu hayo waxaa ka mida xisbiyada iminka dalka ka jira sida xisbiga Daljir ee uu xoghaya guud u yahay Axmed Macallin Fiqi oo sheegaya in caburinta xisbiyada lagu hayo ay gaartay in masuuliyiintoodii loo xiro soo bandhigid ku aaddan fikirka ay qabaan

Dadbaa jira nalaka xiray oo xisbiyada hoggaan u ah Hotel-dii ayaa naloo diiday si aan aaraahdeena u soo bandhigno,Website-yo ayaa la xiray,madaxweynihii ayaa ka jawaabaya hadal lagu qoray Facebook marka xisbiyadu cadaadis hadal ayey qabaan waxayna la qabaan shacabka waddanka’’ayuu ku soo koobay hadalkiisa axmed Macallin Fiqi

Inkastoo aysan gaba-gabo  la’hayn tabashooyinka la xiriira xorriyatul qowlka haddana waxaa habboon qaadashada fikir isku mida oo lagu maamulo dadka ka aragtida duwan dowladda sida warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo xisbiyada intooda badan farta ku fiiqa dul-duleelka dowladda.

Waxaa hubanti ah in haddii ay isku aragti  noqdaan dowladda iyo shacabku ay hirgeli doonaan hiigsiga xukuumada waddanka.

W/D: Cali Aadan Muumin

Tifaftiray: Bashiir Maxamuud Wehliye

Goobjoog News