U bood dhigaalka

3 qof Oo Ku Geeriyootay Rabshado Ka Dhacay Dalka Burundi

Sheeko:Dalka

Tuulo u dhow caasimadda wadanka Burundi ayaa waxaa ka dhacay iska horimaad sababay dhimashao , dhanka kale inta uu socday iska horimaadkaan ayaa waxaa la afduubtay xubno ka tirsan  mucaaradka wadanka Burundi.

Gakuti oo ah duqa magaalada uu iska horimaadka ka dhacay ayaa waxa uu sheegay in kooxo hubeysan ay soo weerareen ciidamada wadanka Burundi uuna ka dhashay qasaaro nafeed oo gaaraya dhimashada Saddex qof.

Xaakimka magaalada ayaa waxa uu sheegay in  ciidamada Ammaanka ee Burundi ay u suuragashay iney gacanta ku dhigaan kooxihii weerarka soo qaaday.

Dhinaca kale inta uu iska horimaadka socday waxaa la afduubtay xubno ka tirsan Axsaabta mucaaradka ee  ka jirta wadankaasi

Arrintaan ayaa imaaneysa kadib markii la dilay wasiirkii deegaanka iyo faydhowrka ee dalkaasi Burundi , wadanka Burundi ayaa ku sugnaa xaalad adag tan iyo Bishii April  2015 oo ah markii ay wadankaasi ay bilowdeen qilaafka dhanka siyaasadda.

Warbixin uu soo saaray  Ururka udooda xaquuqda  Bini’aadamka  bishii November ee sanadkii 2016 ayaa waxaa lagu sheegay in wadanka Burundi  dhibaatada ka jirta ay sababtay dhimashada  Kun qof halka  310 kun oo kale ay is kaga carareen wadanka.

Goobjoog News