U bood dhigaalka

3 Ruux Oo Ku Geeriyootay Qarax Gaari Loo Adeegsaday Oo Ka Dhacay Maqaayad Ku Taalla Muqdisho

Sheeko:Dalka

Qarax gaari loo adeegsaday ayaa goor dhaw waxa uu ka dhacay banaanka hore maqaayad lagu magacaabo Rajo oo ku taalla Isgoyska Beyxaani, degmada Shibis ee magaalada Muqdisho.

Inta la ogyahay Seddax ruux ayaa qaraxaasi ku geeriyootay sidoo kalena waxaa halkaasi ku dhaawacmay Afar qof kale oo ka agdhawaa halka qaraxa uu ka dhacay.

Gaariga ayaa la sheegay in la dhigay bannaanka kore ee Maqaayadda halkaasi oo uu ku qarxay, waxaana dadka dhintay ay ka agdhawaayeen gaariga qarxay.

Axmed Muumin Maxamed oo ah guddoomiyaha degmada Shibis oo qaraxa ka dib la hadlay Goobjoog News ayaa xaqiijiyey khasaarahan halkaasi ka dhashay, waxaana uu sheegay in gudaha maqaayadda kaliya Hal qof uu ku dhaawacmay.

“Nimankaan argagaxisada ah waxay damacsanaayeen in ay laayaan shacabka maqaayadda ku jiray laakiinse ma aanay u suurta gelin, maqaayadda gudaheeda Hal qof ayaa ku dhaawac, weyna ku fashilmeen qaraxa” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Sidoo kale Guddoomiyaha degmada Shibis ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan degmadaasi in ay maamulka iyo hay’adaha amniga lasoo socodsiiyeen gadiidka aanay aqoonsan ee looga tago xarumahooda ganacsiga hortood.

Qaraxan ayaa imaanaya xilli ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay magaalada Muqdisho ka wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka, kadib falal amni darri oo maalmahan magaalada kusoo kordhay.

Goobjoog News