30 Askari Oo Lagu Dilay Syria

Ururka Daacish ayaa waxa uu dilay ugu yaraan 30 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Syria kadib markii ay weerar ku qaadeen koofurta magaalada Xalab.

Dhanka ciidamada dowladda Syria ayaa waxay sheegeen inay iska caabiyeen weerarkii ay ku soo qaadeen Daacish waxayna sidoo kale sheegeen inay dileen 17 ka tirsan Daacish.

Ciidamada dowladda Syria ayaa waxay doonayaan inay gacanta ku dhigaan goobaha ay ka taliyaan ururka Daacish waxaana ka mida meelaha ay maamulaan galbeedk magaalada DeyriZuur.

Ururka Daacish ayaa waxa uu dagaal kula jiraa dowladda Syria waxay doonayaan inay meesha ka saaraan nidaamka madaxweyne Bishaar Al-asad.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW