U bood dhigaalka

30 Dowladood oo ka Tirsan Ururka Iskaashiga Islaamka oo  Maanta Shir Uga Furmay Magaalada Istanbul

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta oo Khamiis ah waxa uu magaalada Istanbul ku marti geliyay madaxweyneyaal iyo madax ka kala socda 30 dowladood oo ka tirsan ururka iskaashiga Islaamka.

Madaxda ayaa waxay ka qeyb galayaan shirka iskaashiga islaamka oo si rasmi ah uga furmay dalka Turkiga, Shirkan ayaa waxa uu soconayaa laba maalmood, waxaana halkudhig u ah “Midnimo iyo iskaashi si loo gaaro Cadaalad iyo Nabad”, Madaxda waxaa horyaalla qodobbo ay ku jiraan Islaam naceybka dunida ku soo kordhaya, xaaladda bani’aadamnimo ee caalamka Islaamka, iyo Qorshe howleedka tobanka sano ee soo aaddan 2016-2025 uu ku shaqeynayo ururka Iskaashiga Islaamka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga Mawlood Jawish Oglu ayaa Arbacadii sheegay; in shirkani ku soo beegmay xilli caalamka Islaamka uu ka jiro khilaafaad, isagoo carrabka ku adkeeyay inuu rajeynayo in shirkani noqdo mid daweeya dhaawacyada la kala tabanayo.

Goobjoog News