U bood dhigaalka

30 Qof Oo u Geeriyootey Biyo Sumeysan Oo Ay Cabeen Duleedka Baydhabo, Baay

Sheeko:Dalka

In ka badan 30 qof ayaa ku geeriyootey deegaanka Masuubiyow oo qiyaastii 20 KM u jirta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kadib markii ay dadkaasi cabeen biyo sumeysan.

Wariyaha Goobjoog News ee magaalada Baydhabo ayaa soo sheegaya in dadkaasi aanay Hal mar ku dhiman deegaankaasi, balse 48-kii saac ee lasoo dhaafay ay geeriyoodeen, waxaana jira dad gaaraya 20 qof oo iyaguna xaaladooda laga deyrinayo.

Dhammaan dadkani ayaa waxay cabeen biyo ku jirey warbiyood la sheegay in la sumeeyey, walow aan la ogeyn illaa hadda cidda sumeysay.

Wasiirro ka tirsan maamulka K/galbeed oo booqdey deegaankaasi ayaa bilaabay in halkaasi ay gurmad u fidiyaan dadka la xanuunsanaya biyaha sumeysan ee ay cabeen.

Dadka qaar ayaa loo soo qaadi doonaan magaalada Baydhabo si loo daweeyo maadaama  deegaankaasi aanu lahayn xarun caafimaad.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News