U bood dhigaalka

3,000 Tahriibayaal Ah Oo Ku Dhintay Xeebaha Libiya

Sheeko:Dalka

In ka badan 120 Tahriibayaal ah ayaa ku dhintay badda Mediterranean-ka  iyagoo doonayey in ay u gudbaan dhanka qaaradda Europe bishan.

Duqa magalada Liibiyaanka ah ee Sabratha ayaa waxaa uu sheegayaa in hal maalin keliya ay dhinteen ilaa 53 qof oo dhamaantood u socday in ay u gudbaan dhanka Yurub.

Dadkan ku qariqmay badda ayaa waxaa ay ka soo carareen dalalkooda oo inta badan ay jiraan dhibaatooyin banii’aadamnimo, waxaana ay Yurub u raaceen doomo laakin Yurub inta aaney gaarin ay qariqmeen.

Ilaa  3,000 oo Tahriibayaal ah ayaa ku dhintay badda u dhaxeysa Libya iyo Talyaaniga ee Mediterranean-ka sanadkan, dadkaas intooda badan waxaa ay u socdeen dalka talyaaniga sidaa waxaa sheegtay International Organization for Migration (IOM).

In ka badan  90,000 oo tahriibayaal ah ka gudbay  Mediterranean-ka una gudbay Talyaaniga sida ay sheegtay IOM.

Doodamahaas inta badan waxaa ay ka baxayeen magaalada Sabratha.

Goobjoog News