U bood dhigaalka

35 Kun Arday Oo Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Sare U Fariistay

Sheeko:Amniga

Ra’iisulwasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa daahfuray Imtixaanka shahaadiga dugsiga sare oo saaka dalka oo dhan ka bilaabmay.

Rooble ayaa ardayda sanadkaan galeyso imtixaanka kula dardaarmay in ay laba jibaaraan dadaalkooda, isagoo u rajeeyay in ay ka guul keenan imtixaanka.

“Runtii Maanta farxad ayay ii tahay in aan daah-furo imtixaanka fasalka 4aad ee Dugsiga Sare, waxa aan leeyahay alle ha idiin fududeeyo, Waalidkii idinku soo tiir & tacab beelay in aad ka war heysaan, macalimiinta wax idin soo bartay meelkasta oo ay joogaan waxa aan leeyahay waad mahadsan tihiin” Ayuu yiri Ra’iisulwasaare Rooble.

Sanadkaan ayaa waxaa imtixaanka u fadhiistay arday gaareyso 35-kun ee arday ah, kuwaas oo imtixaanka ku galayo gobalada dalka oo dhan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa si gaar ah ula dardaarmay ardayda Imtixaanka shahaadiga u fariisanaysa guud ahaanba dalka, waxaa uuna xasuusiyey inuu mustaqbalkoodu gacantooda ku jiro, loogana baahan yahay inay maanta sii diyaarsadaan sida uu mustaqbalkoodu u ekaan doono iyo kaalinta ay nolosha ka geli doonaan, waxa uuna ardayda u rajeeyay guul iyo in Eebbe u fududeeyo imtixaanka.