U bood dhigaalka

36 Qof Oo Cudurka Shuban Biyoodka Ugu Geeriyootay Magaalada B/weyne

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in 36 qof ay cudurka Shuban biyoodka ugu geeriyootay magaaladaasi, sidoo kalena ay la il daran yihiin cudurkaasi dad gaaraya 800 oo ruux.

Cudurkaan ayaa maalmihii ugu dambeeyay si xowli ah uga dillaacay magaalada Baladweyne sida uu sheegay guddomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda gobolka Hiiraan ahna ku simaha guddoomiyaha gobolka Maxamed Ibraahim C/laahi oo u waramay Goobjoog.

Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in cudurka Shuban biyoodka uu sidoo kale ku faafay deegaanno kale oo ku dhaw magaalada B/weyne, waxaana uu tilmaamay in dadkan aysan haysan dawo ku filan.

“Dhimashada guud ee magaalada marka la isku daro waxay noqoneysaa 36 qof, dadka uu soo ritay oo la daweeyay iyo kuwa la il daran intaasi wey ka badan yihiin, isbitaallada ku yaalla magaalada ayaa la kala geeyay dadka, welina dawo la’aan ayaa jirta” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Ibraahim.

Ugu dambeyn guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Hiiraan ayaa ku baaqay in gargaar dawo ah lasoo gaaraan dadkaasi, waxaana hay’adaha uu ku dhaliilay inay gaabis ka muujiyeen wixii dadkaasi loo qaban lahaa.

Goobjoog News