39 Maalmood Kadib, Dadkii Yemen Lagu dilay Weli Lama Aasin, Hey’adda Qaxootiga Yemen Oo Xaqiijisay

39 maalmood ayaa laga joogaa markii si gardarro ah lagu dilay 42 qof oo Soomaaliya ah oo doon saarnaa xili ay u socdeen dalka Suudaan.

Mudada intaa la eg, weli meydadkii lama aasin, sidaa waxaa Goobjoog News u xaqiijiyay Cali Yare oo ka tirsan hey’adaha  diiwaangeliya qaxootiga Soomaaliyeed.

Cali oo hadda ku sugan Sanca, waxaa uu sheegay in warqadihii loo baahnaa sidii dadkaasi lagu aasi lahaa ay hadda soo dhamestirmeen isaga oo intaa raaciyay in illaa Jimcaha ama Sabtida laga yaabo in la aaso dadkaasi.

Mar aan weydiiney sababta dowladda Soomaaliya ula hadli la’dahay Xuutiyiinta waxaa uu ku jawaabey:

“Waxaa ay yiraahdeen inagu ma ictiraafsanin Xuutiyiinta, oo lama hadli karno, oo inagu dowladda rasmiga uunbaan xiriir la leenahay”

Waxaa sidoo kale weydiinay xaaladda dadkii waxyeellada soo gaartay?

“Dadkii dhaawaca ahaa ee Isbitaallada yaaley waxaa ay ahaayeen 14 qof, dad kale labo meelbaa lagu hayaa, ragga waxaa lagu hayaa xabsiga dhexe, hablahana meel Kaam ah oo ay leedahay IOM”

Xaaladda dadka dhaawaca ah waxaa uu yiri “Dadka dhaawaca ah intii badneyd waa bogsoodeen, waxaa ugu culus oo iminka isbitaallada ku haray waa 4 xaaladood”.

Cali Yare, waxaa uu Goobjoog News u sheegay in dadka ay gacanta ku hayaan hey’adaha UNHCR, ICRC, IOM

Dhinaca kale waalidiinka dadkii ku dhintay duqeynta oo Goobjoog News la hadlay waxaa ay dalbanayaan in caruurtooda la aaso, iyaga oo intaa raaciyay in dowladda Soomaaliya aaney la hadlin.

16-kii bishii March ayey diyaarad Helicopter ah duqeyn ku dishay 42 qof oo Soomaali ah oo saarnaa dooni ku sii jeeday dalka Suudaan.

Goobjoog News

Related Articles

7 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW