U bood dhigaalka

4 Dal Oo Carab Ah Oo Xiriirka U Jaray Qatar, Akhriso Sababaha

Sheeko:Dalka

Dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka , Baxreyn iyo Masar ayaa waxay xiriirka diblomaasiyadeed u jareen dowladda Qatar arintaasi oo ay ku sheegeen in dowladda Qatar ay soo faro galisay arimahooda gaarka ah iyo iney ku taageerto ururo argigixiso.

Wasaaradda arimaha dibadda ee dowladda Masar ayaa war-murtiyeed ay soo saartay waxay ku sheegtay in Masar ay go’aansatay  in xiriirka ay u jarto dowladda Qatar sababo la xiriira in Qatar ay taageero dhaqaale  ahaan Akhwaanka iyo in qaar hoggaamiyeyaasha Xarakada Ikhwaanka ah oo la xukumay ay dalkeeda ku martigeliso.

Qaahira waxaa ay intaa ku dartay in  dowladda Qatar ay faraha kala bixi weysay faragelinta arimaha gudaha  taasina ay keentay in Masar ay go’aansato in xiriirka u jarto.

Dhanka kale dowladda Sacuudiga ayaa waxay sheegtay in xiriirkii diblomaasiyadeed ay u jartay Qatar bayaan ka soo baxay Sacuudiga ayaa waxaa lagu yiri “ Baqortooyada Sacuudi Carabiya oo qarannimadeeda difaaceysa iyo ka hortagga kooxaha argigixisada ah waxay go’aansatay in dowladda Qatar ay xiriirka ay u Jarto  sidoo kale waxay go’aansatay in ay xirto xadka labada dal ee bad, berri iyo hawada iyo la isaga gudbo goobahaas iyo biyaha Sacuudiga. ”.

Sidoo kale Dalalka Baxreyn iyo Imaaraadka ayaa waxay xiriirka u jareen Qatar iyaga oo sheegay in muwaadiniinta u dhalatay Qatar ay soo gali karin dalalkooda, Imaaraadka tusaale ahaan waxaa uu u qabtay 14 maalmood in dadka Qatar u dhashay ay dalkaasi uga baxaan.

Ma aha markii ugu horreysay oo dalal Khaliij ay jaraan Qatar, 2014-kii, 3daas dal ee Khaliijka waxaa ay safiirradooda ka saareen Qatar iyaga oo diidanaa arrimo kuwa maanta la mid ah.

Goobjoog News